RW Kheyre sidee buu uga jawaabay hadalkii xanafta lahaa ee Wasiir Adel bin Ahmed Al-Jubeir

Reading Time: 2 minutes

Habeenkii xalay ahaa RW Kheye waxa uu la kulmay dhaxal sugaha Boqortooyadda Sacuudi Careebiya Mudane Maxamed Bin Salmaan. Kulankaa waxaa ka horeeyay kulan uu RW Kheyre la qaatay Wasiirka Arimaha ee Boqortooyadda Sacuudiga Mudane  Adel bin Ahmed Al-Jubeir. Kulanka Wasiirka oo qaatay mudo sodon daqiiqo ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa wafdiga la socday RW Kheyer oo ahaa labo Wasiir.

Kulankan oo hor dhac u ahaa kulanka Dhaxalsugaha ayaa Wasiirka  Arimaha  Dibadda ee Sacuudiga Mudane Adel bin Ahmed Al-Jubeir oo aan la baqin hadalka ahna siyaasi hal adag ayaa ka hadlay waxa uu ugu yeeray nasiib xumidda ku dhacday shacabka Soomaliyeed. Waxa uu sheegay in Somaliya hogaanka ka xumaaday. Hadalka Wasiirka ayaa ahaa hadal dhiilo xanbaarsan si toosana u taabanayay Madaxweyne Farmaajo. Wasiir Al Jabari ayaa yiri “wax-wadaqabsiga labada dhinac waxaaa hortaagan mashaakilaad la abuuray oo aan ka tarjumaynin danaha labada umadood.” Wasiirka oo inta badan asaga hadlayay ayaa ku dartay “ waxaan rajaynaynaa in Somaliya uu ka dhaco isbadal  kaas oo wadada u xaari doono in iskaashi buuxa oo labada wada yeeshaan”. Inkastoo wasiirka uusan carabka ku dhufan waxa uu ula jeedo isbadalka hadana waxa hadalkiisa laga dhadhansan karaa in uu jiro qorsho laga leeyahay Somaliya.

RW Kheyre ayaa ka gaabsaday in uu tixraaco hadalka Wasiirka, waxaana uu u furay mowduuc kale oo la xiriira  taakuleeynta dowladda Soomaliya iyo in ay suuragal tahay in dib loo soo nooleeyo heshiiskii hore loo galay laakiin dowladda Sacuudiga ay joojisay.

Hadalka Wasiir Adel bin Ahmed Al-Jubeir ayaa salka ku hayo in ayan dowladda Sacuudiga marnaba raali ka ahayn joogitaanka Madaxweyne Farmaajo oo ay u arkaan mid ka soo horjeeda danaha xulufadda Sacuudiga. Wasiir Al-Jubeir ayaa kulan  horay ula yeeshay Gudoonka Barlamaanka dalka  Kenya horaantii sanadkaan isagoo  u sheegay in wafigii Kenya in MW Farmaajo yahay shaqsi aan la aamini karin , marar badana balanta uga baxay Xulufadda Sacuudiga.

Dowladda Sacuudiga ayaa u muuqato mid qaadatay wada cusub oo ay doonayso in si farsameeysan isbadal ugu sameeyaan hogaanka dalka Somaliya. Safarka RW Khyere oo markij hore koobnaa ayaa dib u been lagu sameeyay  oo wax badan laga badauy isla markaana mudnaantiisa sare loo qaaday. Isbadalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii RW Kheyre uu kulan isaga kali u gaar  ah la qaatay qaar ka mida saraakiisha sirdoonka iyo qaar ka mida Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Boqortooyadda Sacuudiga.

Boqortooyadda Sacuudiga ayaa horay uga diiday MW Farmaajo safar uu ku tagi lahaa dalka Sacuudiga.