RW Kheyre: Puntland in ay difaacdo shacabkeda waa xaq, DF waxaa ka go’an in ay garab istaagto!

Reading Time: < 1 minute

RW Kheyre oo safar ku jooga magaalada Garowe ayaa kulan uu xalay la qaatay MW Abdiwali Gaas iyo qaar ka mida golahiisa Wasiiraada u sheegay in Dowladda Dhexe si buuxda u garab tagan tahay dowladda Puntland. Kheyre ayaa yiri ” sida aad la socotaan bishii June waxaan idin soo dirnay saanad iyo lacag aan saa u badnaynin oo  ahayd in aad kaalmo ka dhigataan, waxaana naga go’an in aan idin garab istaagno ” Kheyre oo ka muuqato rabitaan uu  ku qancinaayo Puntland ayaa yiri ” qarananimadda Soomaaliya meesha ka burburiwaysay waa Puntland, marana ma ogaalnayno in Puntland xuduudaheeda lagu xadgudbo”.

Hadalka RW Kheyre ayaa cadaynaya in Dowlada Farmaajo si buuxda ugu jirto dagaalka ka socda Tukaraq. Waxaa nasiib xumo ah in dad Soomaaliyeed la isku baa’biyo oo Dowlada Federaalka qarash iyo hub ku bixiso dagaalka ka socdo Tukaraq.