RW Kheyre oo xilka ka qaaday Agaasimaha Wasaaradda Batroolka (Caddeyn)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa cirka isku shareeray dagaal siyaasadeedkii u dhexeeyay RW Kheyre iyo MW Farmaajo kaddib markii uu amar ku bixiya RW Kheyre in xilka laga qaado agaasimihii wasaaradda Batroolka Karar Doomey.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka Maxamuud Cabdulqadir Hilaal aya shaqo ka joojin ku sameeyay agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka JFS Karar Doomey oo uu si qarsoodi ah u magacaabaay MW Farmaajo bishii Maarso ee sanadkii hore 2018.

Shaqa ka qaadista Agaasimaha Wasaaradda Batroolka Karar Doomey aya waxa in dhaweydba isku haystay MW Farmaajo iyo RW Kheyre sida ay MOL hore idiinku soo gudbisay bishii May ee sanadkan 2019.

Xurgufta xil ka qaadista Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka ayaa bilaabatay markii RW Kheyre uu u xilsaaray shirkadda SOMA-OIL iibgeynta shidaalka Soomaaliya, balse agaasimaha wasaaradda batroolka Karar Doomey aya ka biyo diiday in uu RW Kheyre u xilsaaro suuq geynta shidaalka Soomaaliya shirkadda SOMA-OIL ee uu saamiga ku leeyahay RW Kheyre.

Haddaba iyadoo oo maalmo ka hor ay wasaaradda Batroolka heshiis la saxiixatay shirkadda Shell aya waxaa arrinta sidoo kale is hortaagay Agaasimaha wasaaradda Karar Doomey oo amar ka haysta MW Farmaajo sida ay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen MOL.

Xil ka qaadista Agaasimaha aya loo isticmaalay Wasiir ku xigeenka wasaaradda oo ay isku jufo yihiin Karar Doomey iyo MW Farmaajo si aanay buuq siyaasadeed u sameyn beesha Mariixaan ee uu ka soo jeedo MW Farmaajo.

Waxaa kol hore RW Kheyre uu is hortaagay Cabdirasaq Cumar oo u dhashay beesha Mariixaan kaddib markii uu ku guuleystay imtixaankii loo galay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, taasoo markii danbe uu RW Kheyre u magacaabay Cabdiraxman oo ay ilmo adeer yihiin xaaska RW Kheyre kana mid ahaa shaqaalihii RW Kheyre xilligii uu ka shaqeynayay NGO laga leeyahay dalka Norway.

Lama oga sida ay beesha Mariixaan uga falcelin doonaan falka RW Kheyre uu xilka uga qaaday Karar, waxana laga war sugayaa tallaabada ay qaadaan siyaasiyiinta iyo dhaqanka beesha Mariixaan.