Reading Time: < 1 minute

Waxaa dhammaan xilka laga qaaday saraakiishii Qeybta 21 ee CXDS oo fadhigooda ahaa magaalada Dhuusamareeb waxaana maanta loo magacaabay shan sarkaal. Magacaabiddan aya waxaa amar ku bixiyay RW Kheyre sida MOL ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’isal Wasaaraha JFS.

Saraakiisha la magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin:

  1. S. Guuto. Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir Kaasti.
  2. G/le Sare C/Casiis Cabdullahi Cabdi Kheyre
  3. G/le Sare. Xuseen Xoosh Cali Nageeye
  4. Dhamme. Aadan Siyaad Cabdi
  5. Dhamme Mukhtaar Cabdi Aadan Cabdulle.

Lama oga sababta ka danbeysa xil ka qaadista iyo magacaabista saraakiisha kor xusan, balse MOL aya idiin soo gudbisay in Gen Xijaar uu xil ka qaadis ku sameeyay saraakiil ka tirsan ururka Danab isagoo u magacaabay saraakiil ay isku heyb yihiin, waxaana maanta saraakiishii uu Gen. Xijaar magacaabay qaarkood xilal culus looga magacaabay qeybta 21aad ee CXDS ee ka tirsan Galmudug.

Lama oga sida kooxda Ahlu Sunna ay uga falcelin doonaan magacaabista iyo xil ka qaadista lagu sameeya saraakiisha sar sare ee CXDS.

Halka hoose ka akhriso digreetada lagu magacaabay saraakiisha