Waxa socda olole ay Xukuumada Kheyre ku doneyso in ay kala dirto maamulka Axmed Madobe ee Jubbland iyado Madaxtooyada Soomaaliya laga abaabulaayo qorshayaal ka dhan ah Axmed Madoobe.
Ilo ku dhaw Madaxtooyada Villa Somalia aya ino xaqiijinaya in Cabdi Cali Raage oo ah la Taliyaha Arimaha Siyaasada ee Madaxweynaha Maamulka Jubaland uu ku biiray Kooxda dagaalka siyaasadeed kaga soo hor jeedo Axmed Madoobe.
Cabdi Cali Raage oo Miisaan siyaasadeed ku leh Maamulka Jubaland ayaa la sheegay in arintan uu ku dhiirigeliyey Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo Kuna xiray Madaxtooyada.
Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ay ilma Adeer yihiin Cabdi Cali Raage ayaa loo balanqaaday in loo Magacaabayo Xilka Wasiiru Dawladed halka Cabdi Cali Raage loo balanqaaday Dhaqaale uu ku furfuro Jubaland si looga guulaysto Axmed Madoobe.
Xildhibaan Xidig ayaa dhankiisa ka wada Ololaha ugu balaaran ee looga soo horjeedo Axmed Madoobe isagoo dantiisu tahay Xilka Wasiiru Dawladaha.
Dawlada FS ayaa dadaal weyn ugu jirta inay xilka ka tuurto Axmed Madoobe oo ay Xukumada Kheyre is qabteyn,walow Axmed Madoobe uu Dowlada weerar afka ku aha maalmahan.