RW Kheyre oo u magacaabay saaxiibkii iyo la taliyihisii Gudoomiyaha Bangiga Dhexe…

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo maanta u magacaabay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe saaxiibkii iyo la talaliyiihiisa gaarka ah Cabdiraxmaan Maxamed. Cabdirahmaan  ayaa sidoo kale ehel la ah xaaska uu Xassan Kheyre qabo. Dhanka kale Cabdiraxamaan ayaa horay ugala soo shaqeeyay Xassan Kheyre hay’adii NRC ee uu Xassan Kheyre u shaqeyn jiray inta uusan noqon Ra’iisal Wasaaraha.

Ninka maanta la magacaabay ayaan marnaba qeyb ka ahaynin dadkii imtixaanka laga qaaday ee ku soo baxay imitixaanka. Taa waxaa ka sii daran waxa uu ka mid ahaa gudigii imtixaanka qaaday oo musharaxiinta su’aalaha weydiiyanayay.

Talabadaan ayaa waxa ay ka yaabisan shacabka Soomaaliyed guud ahaan gaar ahaan gudigii loo xilsaaray in ay imtixaanka ka qaadaan musharaxiinta.  Waxaana muuqata in Kheyre mas’uuliyadii dalka uu u  hayay sida uu doono ugu takri falaayo.

Mar hadii uusan dalka ka jirin Baarlamaan la xisaabtama hay’adihii dowliga ahaa, madaxweynhiina yahay qof jiran oo mas’uulyadiisii gabay, dalka waxa sida uu doono ugu ciyaaraya shaqsi aan xishoonin,  sharcigana aqoonin, dalkana u arka hanti uu isaga leeyahay.