RW Kheyre oo si cad uga horyimid amarka MW Farmaajo, Sabab?

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in Xog’hayihii joogtada ahaa ee  Wasaaradda Arimaha Dibadda ee sida sharci darada ah shaqada looga ceyriyay, Danjire Cali Maxamed Cali (Cali bin Cali) dib loogu celiyo shaqadiisa. Amarka Madaxweynaha ayaa waxaa uu tixraacayaa qoraal ay shaley soo saartay Hay’adda Gudiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka  ah kaas oo tixraacayo qoraal uu horay u soo saaray Xafiiska Ra’iisal Wasaraaha  oo lagu mamnuucay in aan Wasiir xil ka qaadi karin  ama shaqaalaysiin karin Xoog’haye joogta ah.  Iyada oo qoraalkaas jiro ayaa hadana RW Kheyre waxa uu ku amray wasiirkiisii Arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad in uu shaqo fariisin ku sameeyo danjiri Cali Maxamed Cali. RW Kheyre ayaa maanta mar kale amar ku bixiyay in aan waxba laga soo qaadin amarka Madaxweynaha ee ahaa in Danjiri Cali bin Cali shaqadiisii dib loogu celiyo.

Ma aha markii ugu horeeysay ee uu RW Kheyre ka hor yimaado amar Madaxweyne, laakiin tilaabda uu maantay qaaday ayaa ah tii ugu horeeysay oo uu si toos ah ugu hor yimid  amar Madaxweyne isaga oo isticmaalaya awooda xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Su’aasha la iswaydiinayo caawa ayaa ah dalka yaa madax ah,  awoodna u leh in uu qaato go’aanada dastuuriga ah

halkaan ka aqriso qoraalada la xiriira isqab-qabsiga Farmaajo iyo Kheyre