RW Kheyre oo shir degdeg iskugu yeeray wasiirada xildhibaanada ah (Sababta)

Reading Time: < 1 minute

Shir degdeg ah ayaa hadda waxaa loogu yeeray villa Hargeysa Wasiirada xildhibaanada ah oo kaliya tan oo ah mid uu rabo RW Kheyre inay ka shaqeeyaan sidii loo dardar gelin lahaa mooshinka laga keenay MW Farmaajo.

RW, Kheyre waxaa uu xariif ku yahay arrimahan noocan ah, waxaanan wada ognahay in uu horay u ahaa madaxadii iyo maalgeliyihii doorashadii MW Xasan Sheekh Maxamuud, hasa yeeshee waxaa uu hoosta kala shaqeynayey Farmajo iyo Kooxdiisa.

Haddana sidii oo kale ayuu dhabar jabin ugu sameeyey Farmajo, maadaama mooshin laga keenay Madaxweynaha waxay u egtahay in RW Kheyre oo uu isku dayayo inuu xildhibaanadda wasiirada ah ka dhaadhiciyo inay MW Ka codeeyaan oo uu mowqifkiisa u caddeeyo wasiirada Xildhibaanada ah.

Shirkan ayaa lagu wargeliyay farriin qoraaleed loo diray wasiirada xildhibaanada ah in uu qabsooma 08:00 muddo daqiiqado ah ayaa naga xigta MOL waxay idin soo gudbin doontaa waxa ka soo baxa shirkaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!