RW Kheyre oo shir degdeg ah isugu yeeray taliyaasha hay’adaha amniga & Wasiirada amniga & Gaashandhigga (Sababta)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa caawa marka ay tahay saacadda 7 fiidnimo shir degdeg ah isugu yeeray RW Kheyre dhammaan taliyaasha ciidanka iyo wasiirada amniga & gaashandhigga, la taliyaha amniga ee MW Farmaajo.

Shirkan aya looga arrinsanayaa qorshihii ay berri la tegi lahaayeen golaha Baarlabaanka oo looga yeeray in ay maalinta berri ah hortagaan labada wasiir iyo taliyaasha ciidamada.

Xilli ay dowladda sheegtay in magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow aanan la sheegin xilli uu ku egyahay aya weli waxa magaalada ka dhacay qaraxyo ay soo maleegeen kooxda Shabab oo sheegtay in ay iyaga ka danbeeyaan qaraxyada.

Waxaa magaalada Muqdisho gebit ahaanba lagu xiray dhagxaan iyadoo la joojiyay isku socodka magaalada maalin iyo habeen.

Tan iyo markii barlamaanku uu mooshin ka keenay amni xumida sii badatay ee Muqdisho aya Kheyre iyo wasiiradiisu waxay ku jireen kala orod iyo In magaalada ay kala xiraan, kumana qanacsana shirka berito ee la xisaabtanka hey’adaha amniga, waxey isku dayeen In barlamaanka la baajiyo ama ajandaha amniga meesha laga saaro waxaa muuqata In isku dayadoodii dhammaan ay guularraysteen.

Waxaa ilo wareedyo ka tirsan xafiiska RW ay sheegayaan in ay guddoonka golaha shacabka ka codsan doonaan In shirka berito la baajiyo lagana dhigo maalinta Isniinta ayagoo codsanaya waqti la siiyo si ay ugu soo diyaargaroobaan.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa looga fadhiyaa In ay si dhab ah ula Xisaabtamaan hey’adaha amniga, ayagoo dareenka shacabka ee ay matalaan ka turjumaya.