RW Kheyre oo sheegay in 10,000 (toban kun) oo askari la ruqseyn doono

Reading Time: < 1 minute

RW Kheyre ayaa maanta u sheegay qaar ka mida saraakiisha ciidanka in 10,000 (toban kun) ciidan la ruqseyn doono asbuucyada soo socda. Xasan Kheyre ayaa ku dhawaaqay in ciidanka dowladda laga soo reebi doono in ka yar 17,000 oo askari halka sanadka 2020 kana la ceyrin dooni 3,000 (sadax kun).

Xassan Kheyre ayaa yiri go’aankaan waxaa wada qaatay dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka. Kheyre aya ku goodiyay in Bangiga Aduunka iyo Hay’adda lacagta aduunka aya ku heshiiyeen in la dhimo ciidanka si Soomaaliya deynta lagu leeyahay  looga cafiyo. Kheyre ayaa yiri “Bisha Abriil waxaan tagayaa kulanka sanadlaha ah ee Bangiga Aduunka iyo Hay’ada Lacagta Addunka ee ka dhacaya magalaada Washington DC ee cariga maraykanka, waxa aan rabaa in aan la tago qorsho cad oo ku aadan ciidan Soomaaliya”

Hadalka maanta ka soo yeeray Xassan Kheyre ayaa ah mid qiiq isku qaris ah oo aan waxba ka jirin.  Xassan Kheyre ayaa ay ka go’an tahay in ciidanka ka dagaalayo nawaaxiga Muqadisho iyo shabeeelooyinka laga saaro ciidamada ku abtirsado beelaha qaar.

Dhanka kale sidee baad u ruqseyneysaa ciidan aad adiga ku doodeysid in ay marka horeba kuu diiwan gashaneynin.