RW Kheyre oo markii ugu horeeysay qiray in Al Shabaab heshay liiska shaqaalaha dowlada

Reading Time: < 1 minute

Kulankii deg dega ahaa ee  ay xalay isugu yimaadaan  Golaha Wasiirada ka dib ayaa Xassan Kheyre oo su’aal laga waydiiyay xukunka degdega ee lagu soo rogay magaalada Muqdisho iyo dhibka ka imaan karo ayaa sheegay in mas’uuliyad ka saaran tahay isaga iyo Madaxweynaha ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha dowlada.

Xassan Kheyre ayaa yiri “go’aanka aan qaadanay ma aha mid fudud waana mid lagu qasbanahay, dadka na eedeynaya ma oga sababta nagu kaliftay”. Kheyre ayaa qirtay Kooxda a ee Al Shabaab in ay gacanta ku dhigeen liiska shaqaalaha Dowlada taas oo walwal badan galisay hogaanka dalka. 

Waxa uu yiri ” ma doonayo in aan buunbuuniyo laakiin waxa na lagu wargaliyay in AL Shabaab heysato liiska Shaqaalaha. Dadka  bixiyay liiskana qaarkood dalka dibadiisa ayaa ay u baxsadeen laakiin waan ku daba jirnaa”

Ilaa laga soo bilaabo bishii Janaayo ee sanadkaan waxaa magalaada Muqdisho lagu dilay 167 qof oo ka mida shaqalaaha Dowlada iyo qaar qandaraas ka haystay dowlada. Dadka  qaar waxa lagu weeraray hoteelo ay deganayeen, qaarkood miinooyin ayaa gawaari loogu xiray halka qaar kale si toos ah loo dilay.

Xassan Kheyre ayaa wali ka gaabsanayo in uu u digo shaqaalaha dowlada si ay isku difaacaan. Amarka deg dega ah waxba kama badalayo aminga shaqaalaha dowlada laakiin waxa uu  kooxda Al Shabaab siinayaa fursad ay shacaba ku soo jiitaan.