RW Kheyre oo maanta ku wajahan dalka Boqortooyada Sucuudiga. (Warbixin)

Reading Time: 2 minutes

RW Xasan Cali Kheyre aya maanta ku wajahan magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga kaddib markii uu ka helay martiqaad dowladda Sucuudiga. RW Kheyre ayaa lagu wadaa in uu halkaa joogo booqasha qaadan doonta seddex maalmood, walow aanan la hubin ujeedka ay u casuumeen boqortooyada Sucuudiga.

Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa MOL u sheegay in ay rabaan in Boqortooyada Sucuudiga ay Soomaaliya laba jiha meel raacdo. Walow ay dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay arrimaha khaliijka aya waxa marag madoonta ah in Soomaaliya ay u janjeerto dhanka Qatar iyadoo la aaminsan yahay in go’aamada dowladda uu leeyahay milkiilaha dowladda Farmaajo, Fahad Yaasiin.

Dowladda Sucuudiga ay dhowr jeer kadhaga adeygtay codsiyo uu u diray Madaxweyne Farmaajo oo ka rajo qabay in ay casuumaan ayaanan loosoo jawaabin waxaana bedelkiisa ay dowladda Sucuudiga martiqaad u soo dirtay RW Kheyre.

Safarkan oo ujeeddo badan ah ayaa waxaa loo badinaya in dowladda Sucuudiga ay rabto in ay mugdi siyaasadeed soo kala dhex geliso Farmaajo iyo Kheyre, waxaana loo badinayaa in ay u muujin doonaan RW Kheyre taageero haddii taageero xulufada Imaaraadka iyo Sucuudiga.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay magaalada Muqdisho ka bilaabatay guux mooshin kalsooni kala noqosho ah oo laga abaabulaayo madaxweyne Farmaajo. Haddii ay dhacdo in ay xildhibaanada keenaan mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo waxaa caddaan doonta in ay wax ka jiraan xogaha sheegaya in aay dowladaha Imaaraadka iy Sucuudiga ka go’antahay in aay ridaan Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Farmaajo oo dhisan kudhawaad laba sano ayaa ku guul dareeysatay arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo la dagaalanka musuqmasuqa, iyadoo laga dareemayo guud ahaan Soomaaliya in uu jiro diidmo ka dhan ah hoggaanka Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre

Wafdiga RW Kheyre ayaa waxaa ka mid ah.

  1. Jamal Maxamed Xasan (Wasiirka Qorsheynta)
  2. Eng. Cabdi Canshuur (Wasiirka Boostada)
  3. Xildhibaan Xuseen Iidow
  4. Xildhibaan Mustafa Dhuxulow
  5. Xildhibaan Naciimo Gacal