RW Kheyre oo maanta ka baaqday xafladii la dagaalanka musuq-maasuqa. Maxuu ka baqay?

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo maanta ku casuunaa in uu ka qayb-galo kana hadlo kulankii lagu xusaayay maalinta ka hortaga musuq-maasuqa ayaa ka baaqday xafaladda isaga oo aan bixin wax sabab ah.

Kulanka oo ay ku sugnaayeen wariyayaal caalamka ka socda iyo dublamaasiyiin shisheeye ayaa waxa uu RW Kheyre ka baqay in wax laga waydiiyo musuqa baahay ee uu faraha kula jiro, gaar ahaan lacagaha lagu eedeyay in laga dhacay qasnada dowlada oo ay dacawdeeda hada ka socoto Baarlamaanka.

Waxaa isa soo taraya dareenka ay shacabka ka qabaan xukumaada Kheyre taas oo noqotay xukumadii ugu musuqa badnayd ee Soomaaliya so marta