RW Kheyre ayaa soo saaray qoraal dikereeto ah oo uu ku magacaabayo labo shaqsi oo in u mudo ah mucaarad ku ahaa xukumadiisa. Milkiilaha Hotelka Makkah Al Mukarama, Gurey Xaaji Xassan iyo Saxiibkiis Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banadir Cade Xassan Ali Gaboow (Cade Gaabow). RW Kheyre oo doonayay in uu iska aamusiyo labadaan shaqsi oo qayb ka ahaa koox uu RW Kheyre horey mushaar ugu qoray oo isku sheega ay yihiin Xarunta Tala soo Jeedinta ayaa ujeedada shaqaaleyntoodu ahayd in ay ka joojiyaan dacaayada iyo Mucaaradnimadda Xukumadiisa.
Gudoomiye Cade Gaboow oo aan la baqin hadalakiisa laguna yaqaan nin aan ku fiicnaynin xafidida sirta ayaa yiri “ Kheyre waa nin gabalkiisa sii dhacayo oo jidkii RW Cabdiwali xiirane ku socdo, anagana waxaan garanay in aan lacagta uu faqaraayo aan qaybteena ka qaadano, labadoo beri ayaan ka amusaynaa, hadana dib ayaan ugu bilaabi doonaa washamsiga”. Cade Gaabow oo qoslaayo aya ku daray “ aqyaarta raali ha noqoto, hadii dhowr asbuuc la i maqli waayo, duqa waa macsalamaynaynaa, hana ogadeen in aan aroos ku jiro”
RW Kheye ayaa u muuqada mid doonayo in uu iibsado taageeradda shaqsiyaad ka tirsan bulshada, gaar ahaana kuwa ka soo jeedo beel gaar ah. Kooxaha noocaas ah ayaa horay shacabka Somaliyeed uga bixiyeen magaca “Kooxda Qaaqlayaasha” . Cade Gabow iyo Gureey Haaji ayaa loo qaray mushaar joogta ah oo bilkastaa laga siin doono xafiiska RW Kheyre. Waxaan loo sii hormariyay lacag gaaraysaa $25,000 oo uu RW Kheyre ku sheegay in ay tahay sooryo .