RW Kheyre oo lagula taliyay in uu iscasilo, iyo dadaallo socda sidii loogu qancin lahaa.

Reading Time: < 1 minute

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Somalia, Maxamad C/laahi Farmaajo ayaa wado dadaallo uu rabo in  Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Taliyaha NISA, C/laahi Sanbaloolshe inay u keenaan Warqadahooda iscasilaada.

Madaxweynaha ayaa raba ka hor inta aanan baarlabaanka keenin Mooshin ka dhan ah RW Kheyre uu rabo si maslaxad siyaasadeed uu u helo in lagula taliyay in RW Kheyre uu keeno waraaqahiisa is casilaadda.

Illo wareedyo ka ag dhaw Madaxtooyadda ayaa Muqdisho Online u xaqiijiyay in Kulan ay qaateen Madaxwaynaha iyo siyaasiyaanta beesha Daarood ee labada gole ee Baarlabaanka iyo xukuumadda aay rabaan in uu is casilo RW Kheyre. Waxayna u sheegeen in aay adkaan doonto in RW Kheyre uu iska difaaco mooshinka kalsoonida loogala noqonaayo, waxaana siyaasiyiintan aay wadaan dadaallo lagu badbaadinaayo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa xogta intaa ku dareysaa in aay kula taliyeen Madaxweynaha haddii uu RW Kheyre diido in uu iscasilo, uu markaa madaxweynaha qaato go’aan lid ku ah kii aay qaateen golaha Wasiirada si uu mustaqbalka isku badbaadiyo.

Raiisul Wasaare Khayre ayaa durba billaabay Olole xooggan oo uu isku difaacayo, Wuxuuna u yeertay Milkiilaha Hoteel Jaziira, Gaambe, Xildhibaaan Mustafa Dhuxulow, Xildhibaan Xuseen Idow iyo siyaasiyiin ay isku hayb yihiin, kuwaas oo uu ka raadinayo inay ku taageeraan ololihiisa uu doonayo inuu ku difaacdo Xilkiisa.

Aad ayeey u adag tahay in Khayre uu ka badbaadi karo Baarlamaanka Somalia haddii Codka Kalsoonidda la galiyo inay sii jirto Xukuumadiisa wuxuuna qaatay masuuliyada fadeexadda dhiibitaankii Qalbidhagax oo ay si wayn uga caroodeen Xildhibaanadda Labada Aqal ee Somalia, iyo Shacabka Soomaaliyeed.