RW Kheyre oo ku soo wajahan Muqdisho & doorashada GM oo weji kale yeelaneysa

Reading Time: < 1 minute

RW Khayre aya lagu wada in saacadaha soo socdo uu soo gaaro magaalada Muqdisho kaddib markii uu gacanta u geliyay Guddiga doorashooyinka GM liiska xildhibaanada cusub.

Sida ay MOL loo xaqiijiyay waxaa galabta guddiga ay ku dhawaaqi doonaan liiska xildhibaanada cusub, waxaana guddiga ay soo saarayaan jadwalkii lagu dooran lahaa Guddoomiyaha Baarlabaanka GM iyo jadwalkii qabashada musharaxiinta iyo goorta ay dhaceyso doorashada, taasoo lagu wado in ay dhacdo Febraayo 8, 2020.

Wariyaha MOL ee Dhuusamareeb oo ku sugan goobta lagu wado in lagu shaaciyo liiska xildhibaanada ayaa idiin soo gudbin doona faahfaahin buuxda.