RW Kheyre oo ku fashilmay in uu la kulmo Mudulood. Kulankii oo baaqday

Reading Time: < 1 minute

labadii maalin ee u danbeeysay ayaa RW Kheyre iyo kooxaha uu ku shaqaysto waxa ay da’daal ugu jireen in ay kulan la qaataan beesha Mudulood. Sidii warsidaha MOL horay idinkuugu u soo tabisay maalintii shalay ahayd, RW Kheyre ayaa lacag ku bixiyay in uu maanta la kulmo beesha Mudulood laakiin kulankii maanta waa la baajiyay.  Dhacdadaan ayaa waxaa ay astaan u tahay sida shacabka Soomaaliyeed uga soo horjeedaan hogaanka RW Kheyre. RW Kheyre ayaa damacsanaaa in uu beesha Mudulood u istcimaalo dagaalaka uu kula jiro MW Farmaajo.

Dhanka kale MW Farmaajo ayaa ka codsaday oday dhaqameedka beesha Mudulood in ay caawa isaga la casheeyaan.