RW Kheyre oo ku adkeysanayo in uu ka qaybgalo kulanka ka furmaya Garowe maalinta khamiista

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo ay beesha caalamka cadaadis ku saartay Madaxweyne Farmaajo in uu ka qeybgalo kulanka ay ku baaqeen Dowlad Goboleedyadda kaas oo lagu wado in uu bisha Maajo labadeeda ka furmo magalaada Garowe, ayaa hadana waxa isna goostay in uu goobjoog ka ahaado kulankaas, Ra’iisal Wasaare Xassan Kheyre.

Kulanka Garowe ayaa ahaa mid lagu martiqaaday Madaxweyne Farmaajo si madaxda Dowald Goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo uga arinsadaan xaalada dalka marayo qaabkii looga bixi lahaa

Xassan Cali Kheyre oo walwal ka qaba  in madaxda shirka ka qayb-galeyso go’aan ka  gaaraan mustaqbalkiisa ayaa isna waxa uu goostay in uu ka qaybgalo kulankaas. Kheyre ayaa caawa ku wargaliyay MW Farmaajo in uu shirka u raaci doono.

Labada qof  ee ugu sareeysa dalka ayaa ka wada qeyb-galayo kulanka Dowlad Goboleedyada ku baaqeen iyada oo ayan jirin heshiis  ama go’aano ay labada dhinac isku waafaqsan yihiin.  Su’aalaha la isweydiinaya ayaa ah maxa ay Kheyre iyo Farmaajo kala soo kulmi doonaan shirkaas? Sidee baa heshiis ku imaan karaa iyada oo uu wali hogaanka dalka hayo shaqsigii ka danbeeyay burburka shirarkii horay loogu heshiiyay.

Tagitaanka uu Kheyre tagayo shirkaas ayaa waxa uu kala kulmi doonaa waji-gabax iyo ceeb  mar hadii uu in ka badan 20 mar uu ku balanfuray hogaanka Dowlad Goboleedyadda. Dhanka kale waxaa macquul ah in ay Dowlad Goboleedyadu ka codsadaan inta uu joogo Garowe in uu iscasliso Ra’iisal Wasaare Kheyre si baal cusub loogu furo xiriirka u dhaxeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe.