RW Kheyre oo ku adkeysanaya in la meel mariyo sharciga Batroolka & Xildhibaanada oo loo qeybiyay sharicgaas. (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska MW Farmaajo oo la hadlay MOL ayaa noo xaqiijiyay in maanta si qarsoodi ah loogu qeybiyay xildhibaanada BJFS xeerka iyo sharciga Batroolka Law No. XGB/712/08 kaasoo lagu amray in ay soo akhriyaan kaddibna maalinta berrita ah laga doodi doona maalinta Arabacada ahna cod lagelin doono si loo ansixiyo sharciga Batroolka. [su_highlight background=”#fffd99″]Tusmada Dib-u-eegista Law No. XGB/712/08[/su_highlight]

RW Kheyre ayaa ku adkeysanaya in aanu istaqlaalo keeneyn ilaa MW Farmaajo uu ka soo baxo ballantii ay wada galeen ee ahayd in la Baarlabaanka uu ansixiyo xeerka & sharciga Batroolka. RW Kheyre ayaa laga soo wariyay in maalinta la ansixiyo sharcigaas uu isagana keeni doono warqaddiisa is-casilaadda.

RW Kheyre oo ka mid ah saamileyda shirkadda SOMA-OIL ayaa ku adkeysanaya in loo meel mariyo sida uu rabo. RW Kheyre waxaa ka go’an in ay gacantiisa soo gasho dhammaan kheyraadka Batroolka Soomaaliya taasoo uu rabo in uu xaraasho.

Lama oga in xildhibaanada ay ansixindoonaan iyo in aay diidi doonaan, balse waxaa taariikhda ay ka galyaan baal MADOW haddii ay ansixiyaan sharcigaas. Waxaa sidoo kale dhici doonta in gebi ahaanba istaago shirka lagu ballansan yahay ee Garoowe haddii ay ansixiyaan sharcigan.

[su_highlight background=”#fffd99″]Halka hoose ka akhris sharciga Batroolka iyo qodobada laga bedelay[/su_highlight] Akhriso sharciga RIIX HALKAN