RW Kheyre oo kireystay guryo loo diyaarinayo Ololaha Doorashada 2021. Halkeey ku yaalaan?

Reading Time: < 1 minute

Waxa isa soo taraya qaban-qaabada iyo tartanka u dhaxeeya madaxda dowladda ee ku  wajahan doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2021.  Sida MOL horay idinkuugu soo gudbisay, RW Kheyre ayaa dar-dar galiyay qorshahiisa u diyaargarowga doorashada 201 waxaana muuqato in  RW Kheyre uu ka sii goysanayo MW Farmaajo. Waxa uu sameeystay baro cusub oo bulshada sida Facebook, waxa uu magaciisa ku sameeystay Twitter cusub sidoo kale waxa uu hadda furtay shabagadda lagu soo badhigayo qorshahiisa iyo damaciisa.

Dhanka kale waxa uu dhawaan bilaabay in uu kireyso guryo ku yaalo deegaano ku dhaw madaxtooyadda. Waxaa uu asbucaan kiraysaty  labo guri oo ku dhaw hotelka Goobsoor ee ku yaalo ilinlka hore ee Madaxtooyada. Guri ka mida guryaha uu kirsaystay waxaa  horay u daganaan jiray Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nur waxana uu ku kiraystay lacag $60,000. Dhanka kale RW Kheyre ayaa waxa uu sicir barar ku riday guryaha ay degan yihiin qaar ka mida xildihibaanad kuna yaal degmada Boondheere gaar ahaan dhabarka danbe ee madaxtooyadda. Qaar ka mida Xildhibaanada degan halkaas ayaa loo sheegay in ay ka guuraan guryaha ama ay lacagta kordhiyaan madaama RW Kheyre diyaar la’yahay lacag ka badan inta ay hadda ku degan yihiin.