RW Kheyre oo ka codsaday Dowlada Canada in uu safar ku tago iyo Jaaliyadda Soomaalida oo u digtay D. Canada

Reading Time: 2 minutes

La taliyaha gaarka aha ee Ra’iisal Wasaare Xassan Kheyre, Samira Gaid  ayaa waxa ay xiriir la sameeysay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dalka Canada   iyada oo ku hadleysa magaca Xassan Cali Kheyre.

Sida MOL loo xaqiijiyay, qoraalka ay Samira u qortay dalka Canada ayaa ay ku sheegtay in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu doonaayo in uu kulan la qaato qaar ka mida madaxda dalkaas isla markaana uu la kulmo Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Canada.  Qoraalka ayaa ay ku xustay in uu doonayo in uu tago dalkaas 15ks Bisha Abril iyo wixii ka danbeeya.

Dowlada Canada ayaa u sheegtay in Dowlada Soomaaliya ay la xiriirto safaradaha Canada iyo tan Soomaaliya ee Mareykanka iyada oo la marayo qaabka baratakoolka ee saxda ah. Jawaabta la siiyay Kheyre ayaa muujinaya in dowlada Canada ayan diyaar u ahaynin in ay qaabisho Xassan Kheyre.

Dhanka kale Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada ayaa ka digtay in dowlada Canada ay qaabisho Xassan Kheyre. Markii ay soo baxeen wararka sheegayo in Kheyre doonaayo in uu tago dalka Canada ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed waxa ay la xiriirtay Wasiir Axmad ee ka tirsan golaha Wasiirada dalka Canada iyaga oo ka digay in mudahaarad xun uu ka dhici doonaa guud ahaan dalka Canada hadii Kheyre yimaado dalka Canada.

Mahad Yusuf oo ka mida hogaamiyayaasha dadka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada ayaa sheegay in xafiiska Rw Xasssan Kheyre, iyo  qaar ka mida beesha uu ka dhashay Xassan Kheyre ay la soo xiriireeen kana codsadeen in laga caawiyo inuu yimaado dalka Canada.

Dowlada Canada oo ay ku soo foodleedahay Doorasho oo aad loogu kala qaybsan yahay ayaa ay ku adkaan doontaaa in ay qaabilaan Xassan Kheyre oo ah shaqso  shacabka Soomaaliyeed u arkaan danbiile  qayb ka ahaa xasuuq badan oo ka dhacay dalka.

Jaaliyada Digil iyo Miriffle iyo qaar ka mida   eheladii dadkii lagu xasuuqay  magaalada Muqadishu ayaa maanta qoraal u gudbiyay dowlada Canada iyada oo uga digay in ay dalka ku soo dhaweeyaan Xassan Kheyre.

Mid ka mida Jaaaliyada Soomaaliya ee ku nool magaalada Ottawa ayaa u sheegay MOL in mudahaarad kii ugu waynaa eedib ee lagu qabto Dalka Canada  la qaban doono waxa uu yiri ” waxa aan shaki ilga girin in Wasiir Axamed Xuseen uu lumin doono kurisgiisa hadii uu qayb ka noqdo booqasahda Xassan Kheyre”.