RW Kheyre oo iska fogeeyay arimaha Muse Suudi dushana ka saaray MW Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Xassan Ali Kheyre oo la hadlay qaar ka mida odaydhaqameedka iyo Ganacsadata beesha Abgaal ayaa waxa uu u sheegay in uusan waxa shaqo ah ku lahaynin qalalaasaha ka dhashay dhulka Muse Suudi Yalaxow.

Kheyre oo xalay la hadlay qaar ka mida dhaqanka Abgaal ayaa sheegay in ayan jirin  cid kala tashatay waraaqda la qoray oo lagu amrayay in dhulka Mariina laga guuro mudo ku siman 7 cesho. Waxa uu yir “arimaha Muuse Suudi waxaa bilaabay oo lagala xisaabtamayaa Madaxweyne Farmaajo aniga qeyb kama ihi”

Qaar ma kamida odoyaasha ayaa ka codsaday RW Kheyre in uu arintaan dhex galo oo uu talo ka geysto madaama uu isagu madax ka yahay xukuumada. Isaga oo taa ka jawaabayo waxa uu yiri “adeeryeaal aniga arintaas in aan dhex galo ma robo, xaqiiqdiina waxa aan ka qaban karo ma jirto, waxaana aan idinka codsanayaa in aadan aniga i dhex galina”.

Hadalka ka so yeeray Kheyre ayaa u muuqda mid uu ku doonayo in uu qoorta isku galiyo Farmaajo iyo beelaha Hawiye. Mid ka mida Odoyaasha ayaa u sheegay MOL in ay tahay wax lala yaabo in Kheyre diido in uu arintaan xalkeeda qayb ka noqdo.  Waxa uu yiri ” aad ayaan ula yaabnay in ninkii magaca Hawiye ku fadhiyay kursiga Ra’iisal Wasaaranimada uu hadana iska fogeeyo in uu talo ku leeyahay, waxaa inoo muuqatay in Kheyrerabo in Hawiye iyo Farmaajo uu iska horkeeno”