RW Kheyre oo iska beri yeelay dikereetadii dhulka ee uu soo saaray Eng.Yariisow

Qaar ka mida Ganacsatada Gobolka Banaadir, saraakiisha ciidanka iyo odeydhaqameedyo ka soo jeedo Gobolka Banaadir  ayaa habeenadii la soo dhaafay waxa ay  qadka teleefanka kula hadlayeen RW Kheyre  ioo markaas ku sugnaa  magaalada Kismaanyo. Dadkaas ayaa ka sheeganaayay dikereeto uu soo saaray Duqa magaalada Muqadishu oo la xiriirta dhulka ciidanka Badda oo dad madax ah horay loogu sharciyeeyay.

Hadaba markii Kheyre ku soo laabtay Muqadishu ayaa gudi ka socday dadkii qadka taleefanka kula hadlayay ay kula kulmeen Muqadshu. Dadka  la kulamy oo isugu jiray saraakiil ciidan iyo ganacsato ayaa u sheegay in RW Kheyre ay qalad tahay tilaabada uu qaaday Eng Yarisow. Kheyre ayaa sheegay in uusan wax war ah u haynin cidnana ayan kala tashanin  amarkaas. Waxa uu yiri ” waxaad igu tuhmeysaan in aan anigu wax ka ogaa amarka ka soo baxay xafiiska Gudoomiye Yarisow laakiin waxaan idin cadeynayaa oo aan idin xaqiijinayaa  in aanan wax war ah u haynin amarkaas iyo cida ka danbeeysay”.

RW Kheyre ayaa yir : “anigu waxaan bishii Janaayo 10 keedii   magaacaabay Gudi loo xilsaaray soo celinca Hantida Qaranka, gudigaas oo uu gudoomiye u yahay Cabdullahi Goodax Barre,.. Gudiga shaqada  ayaa ay ku dhex jiraan walina warbixin kama soo soo saarin dhulka iyo qaabka loo soo celin doono”.

Hadalka ka soo yeeray RW Kheyre ayaa si dadban eeda dhulka  u xawilayo Madadaxweyne Farmaajo taas oo keeni karto in Shacabka ku dhaqan magaalada Muqadishu loo tuso Madaxweyne Farmaajo in uu isagu si qabyaaladeysan ula dagaalamayo beelo  gaar ah oo ku nool Muqadishu..

 

Mid ka mid dadkii la kulmay RW Kheyre ayaa u sheegay MOL in RW Kheyre warkiisu cadaa uuna iska beri yeelay in uu lug ku leeyahay Dikireetada ka soo baxday xafiiska Gudoomiye Yariisow.

Advertisements
Xayeeysiin