RW Kheyre oo galay karantiil kaddib markii laga helay laba dhaqtar uu la kulmay COVID-19

Reading Time: < 1 minute
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.

RW Xasan Cali Kheyre ayaa caawa galay karantiil kaddib markii caabuqa coronavirus laga helay laba ka mid ah dhaqaatiirta Wasaaradda Caafimaadka oo kala talineysay cudurka COVID-19 sida MOL ay ogaatay.

RW Xasan Cali Kheyre ayaa caawa lagu sameeyay baaritaan kaddibna waxaa la ogaan doonaa in uu qaaday COVID-19 iyo inkale marka dib loo soo celiyo natiijada baaritaanka.

Waxaa maanta qofkii ugu horreeyay ee qabay caabuqa coronavirus uu u dhintay. Qofka u dhintay ayaa jiifay cusbitaalka Adan Cadde, halkaasoo laga saaray kaddibna baaritaan loo geeyay isbitaalka digfeer, dhaqaatiirta isbitaalka ayaa ku wargeliyay reerka marxuumka in la geeyo cusbitaalka martiina kaddib markii lagu arkay calaamadaha caabuqa coronavirus, balse waxaa dib loogu soo celiyay cusbitaalka Adan Cadde.

Lama oga inta qof ee booqatay marxuumka iyo tirada dadka uu u gudbiyay caabuqa, waxaana socda baaritaan sida MOL loo xaqiijiyay, walow ay dadka qaar oo la hadlay reerka marxuumka ay sheegayaan in marxuumka uu u dhintay wadna xanuun isla markaana aanu qabin caabuqa coronavirus.