RW/Kheyre oo Galay Jeebka Shariif Xasan iyo Mooshinkiisa oo Muqdisho lagu Diyaariyay

Reading Time: < 1 minute

Waxa wajiyo cusub yeelanaya Xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan Shariif Xasan iyo Xasan cali Kheyre,ka dib loolnkii lo galay Kursiga Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka shaqeynaya sidii xilka looga tuuri lahaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Shariif Xasan ayaa kulamo la leh Xildhibaanada Mucaaradka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo uu kala hadlayo sidii hoos loogu dhigi lahaa galaangalka siyaasadeed ee Xasan Cali Kheyre uu Baarlamanaka ku leeyahay.

Kooxda Qiyaano Qaran ayaa gacanta ku dhigtay dhammaan Hay’adaha sharciga ee Dowladda,kuwaasi oo saameyn ku leh dalka ama go’aan masiiri gaari kara.

Tallaabada shariif Xasan uu qaadayo ayaa ka danbeysay ka dib markii dhawaan dhaq dhaqaaq siyaasadeed uu sameeyay Shariif Xasan lagaga guuleystay,taasi oo ku aadaneyd doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku guuleystay Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Waxa hada socda is xulufeysi ku aadan Sidi Mooshin looga gudbin laha Xasan Xasan Cali Kheyre Rw Soomaaliya iyado kulamadi ugu danbeysay la isku gartay in Xildhibanadaasi ay kulamada ugu so horeyo ay gudibiyaan Mooshinka Xukuumada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!