RW Kheyre oo dalka ku qabsaday Afganbi qaboow? Maxaa xigi doona (Faallo)

Reading Time: 3 minutes

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxa dalka Soomaaliya ka socday qorsho siyaasadeed oo si dadban lagu afganbinayo hogaanka Madaxweyne Farmaajo. Xassan Cali Kheyre oo  taakulayn ka helayo Fahad Yasin ayaa ku guuleeystay in uu la wareego dhamaan ilaha muhimka ee dowlada Federaalka kuwaas oo uu doonayo in u  isticmaalo danahiisa gaarka ah. Ilaha uu la wareegay waxaa ka mid ah; Dhaqaalaha, Nabadsugida , Ciidanka, Gobolka Banadir, Booliska, Golaha Sharci Dajinta, Golaha Wasiirada iyo ilo kale oo muhim ah.

Madaxweyne Farmaajo oo la isku raacay in uu yahay mid gabay hogaankii ummadda Soomaaliyeed islamarkaana ay qol ku soo xirteen labada shaqsi ee Fahad Yasin iyo Xassan Kheyre ayaa ugu daybeyntii waxaa si toos ah loogala wareegay dhamaaan ilihii hogaanka ee  dastuurka awooda u siiyay in uu isaga hogaamiyo.

Xassan Kheyre ayaa si farsameeysay waxa uu hub-ka-dhigis siyaasadeed ugu sameeyay MW  Farmaajo. Waxa uu ka dhigay sacabooleey  ama shaqsi aan wax awooda ku lahayn hogaanka dalka Soomaaliya. RW Soomaaliya xaq buu u leeyahay in uu hogaamiye ka noqda hay’adaha dowlada laakiiin taa micnaheedu ma aha in ay hay’adahaas oo u dhiibto saaaxibo isaga kaliya ka amar qaata islamarkaana  uu dhinac maro sharciga la xisaabtanka.

Hay’adaha  Xassan Kheyre ka amar qaata isla markaana sida tooska iyo sida dadban u hoos yimaada waxaa ka mid ah:

  1. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
  2. Kheyraadka Shidaalka & Macdanta (SOMA-OIL & GAS)
  3. Hogaanka Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya
  4. Hanti Dhowrka qaranka (isaga ayaa keensaday isaga ayuuna ka amar qaataa)
  5. Hogaanka ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed
  6. Hogaanka Hay’adda NISA iyo qaybaheeda kala duwan
  7. Gobolka Banadir iyo Hogaankiisa oo ay ku jirto (Maaliyada iyo Amniga)
  8. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Commission dhawaan la sameeyay
  9. Wasaaradda Maaliyadda iyo waaxyadeeda Canshuuraha
  10. Garoonka Diyaaradaha iyo Dekada Muqadishu
  11. Wasaaradda Warfaafinta iyo dhamaan hay’adaha hoos yimaada
  12. Gudiga Baarlamaanka ee Baaritaanka iyo Dabagalka Maaliyadda
  13. Hoggaanka cansuuraha Dekedda & Garoonka Diyaaradaha
  14. Hay’adda Saadaasha hawada.

Talaabada ugu danbeeysay ee RW Khyre uu maanta ku magacaabay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa ay soo afjareysaa cinqilaabka uu Kheyre kula wareegay hogaanka dalka.

Hogaanka Bangiga Dhexe Waxaa horay imtixaanka looga qaaday 140 oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib waxaana ugu danbeeyntii isku soo haray Cabdirisaaq Cumar. oo haysta shahaadada PhD hadana ka shaqeeya Bandiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Xusseen Khalif oo madax ka soo noqday Bangiga Horumarinta Islaamka. MW Farmaajo ayaa awoodi waayay in uu ka horyimaado go’aanka Kheyre oo uu kula wareegay Hogaanka Bangiga Dhexe oo ah haya’dii ugu danbeeysay uu  Xassan Kheyre  rabay in uu la wareego.

Dhanka kale Xassan Kheyre ayaa ku guuleystay in uu gacanta ku dhigo dhamaan ilaha dhaqaalaha dalka taas oo keentay in MW Farmaajo uu dhaqaalaha uu ku wadi lahaa howlmaalmeedkiisa uu ka soo baryo Xasan Kheyre taas oo keentay in dhowrkii asbuuc ee ugu danbeeysay in MW Farmaajo iska bixin waayay biilasha iyo mushaarka xafiiskiisa.

Kheyre oo ah qof aad ugu wanaagasan qayaanada iyo indha sarcaadka (Con-Artist) ayaa waxa uu sidoo kale  lacag ku iibsaday hogaanka baarlamaanka  Soomaliya oo ay xiligaan hogaamiyaan shaqsiyaad lagu yaqaano musuq-maasuq iyo aqoon daro.

Su’aalaha la isweyndiinaya ayaa ah maxaa xigi doona Afganbiga Qaboow ee uu ku guuleysatya Xassan Kheyre? Farmaajo miyaa iska bixi doono isaga oo dowladnimadii Soomaaliya gacanta u galiyay koox caloolshood u shaqeeystayaal ah mise waxa uu la soo bixi donaa dareen Soomaalinimo oo keenayo in uu dib ula soo noqdo mas’uuliyadii uu Xassan Kheyre ka bililiqeystay? Dhanka kale Beesha uu ka dhashay oo kursiga uu ku fadhiya (qaabka 4.5)  Farmaajo miyay ogolaan doonaan in mas’uuliyadii magacooda uu ku qaatay lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed iyaga eedu raacdo?

[su_highlight background=”#fff599″]Halka hoose ka akhriso sharciga sida tooska ah loo dhinac maray taasoo ka dhigeyso magacaabidii maanta mid aan waxba ka jirin, waa haddii uu sharciga sarreeyo[/su_highlight]