Ururka Ahlu-Sunna Waljamaac ayaa goordhow magaalada Dhuusomareeb uga dhowaaqay inuu buray heshiiskii u dhaxeeyey ayaga iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Ahlu-Sunna ayaa ku eedeysay dowladda inay mas’uul ka tahay burburka ku yimid heshiiskii labada dhinac, kadib markii ay ciidamo kusoo daabushay magaalooyinka Galmudug.
Sidoo kale Ahlu-Sunna ayaa dowladda dhexe ku eedeysay inay Dhuusamareeb kusoo daabuleyso saraakiil iyo ciidamo sida ay sheegeen Shabaab ah.
Ururla ASWJ ayaa ku soo daabulaya magaalada Dhuusomareeb hub iyo ciidan aad tiro badan iyadoo la sheegay in ciidan Itoobiyaan ah uu codsaday RW Kheyre in ay caawiyaan ciidanka dowladda.