Iyada oo doorashadii la isku haystay ee Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed la qabtay bishii Diseembar 5teedii taas oo ay ku dhinteen dad ka badan labaatameeyo qofood in ka badan 50 qofna ay ku dhawacmeen ayaa waxaa soo ifbaxaya qorshooyinkii ka danbeeyay dorashada lagu doortay Cabdicasiis Xassan Lafta Gareen.
Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa da’daal ugu jiray in mudo ah in uu u magacaabo Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed qof ka soo jeeda beesha uu ka dhashay ee Murusade. RW Kheyre ayaa ku dooday in beesha Murusade ay deegaanka Koonfur Galbeed xoog ku leeyihiin ha noqoto dhanka dhaqanka iyo dhaqaalaha.
Dhanka kale RW Kheyre ayaa u sheegay beesha Murusade in uusan marnaba sameeyn doonin qaladkii uu Madaxweynihii hore Xassan Shiikh Maxamuud ka galay beesha uu ka dhashay taas oo ahayd in uusan wax dhaxal ah uga tagin beesha gaar ahaan xaqa ay ku lahayd deegaanka Galmudug. RW Kheyre ayaa sidoo kale sheegay in kursiga Ra’iisal Wasaaraha uu ka dhaxeeyo Soomaaliya mar aan fogaynina laga yaabo in uu isaga tago ama laga casilio sidaasa darteedna waa in beeshu heshaa mansab siyaasadeed oo u gaar ah.
Habada waxaa maalmihii u danbeeyay kulamo kala duwan ku yaashay magaalada Muqadishu odyaasha iyo ganacsatada beesha Murusade iyaga ka tashanaya cidii loo magacaabi lahaa Madaxweye ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Odoyaasha dhaqanka ee beesha Murusade gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beesha Abakar ayaa ku dooday in iyagu kensanayaan qofkii laga dhigi lahaa Madaxweyne ku Xigeenka madaama ayan haysanin mansab siyaasadeed halka beesha Habar Ceyne ee uu ka dhashay RW Kheyre ay ayaguna ku doodeen in beshaas haysato xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsanaan jiray degaankaas oo ku haboon in ay qabtaan jagadaas.
Inkastoo RW Kheyre uu horay u go’aansaday qofka uu ka dhigayo Madaxweyne ku Xigeenka KOonfur Galbeed hadana waxa uu beehsa ku mashquuliyay in ay dhexdooda iska soo xulaan shaqsiga loo magacaabi lahaa jagadaas.
Waxa iyadana xusid mudan in Xaaska Madaxweyen Farmaajo Maryan Macalin ay qayb ka tahay qorshaha la doonayo in qof ka soo jeedo beesha Muusade loo magacaabo Madaxweyne ku Xigeenka Koonfur Galbeed. Waxa ay soo qoray liiska dadka ay doonayso in loo magacaabo jagadaaas.
Waxa iyagana la yimid magacyo u gaar ah Cabdikarin (Gaanbe) iyo Axmad Sacuudi kuwaas oo iyaguna ku dooday in ay iyagu qayb weyn ku lahaayeen abaabulka iyo fakarka in beesha Murusade la wareegto Madaxweyne ku Xigeenka Koonfur Galbeed.
Sadaxada liis oo ay kala wataan Xaaska Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha Xassan Cali Kheyre iyo Ganacsadatada ayaa la isku geeyay iyada oo qof laga soo saari dono. Si kastaaba ha ahaatee waxaa hadda muuqata in RW Kheyre uu lahaan doono go’aanka ugu danbeeyo, waxaana uu magacaabi doonaa qof ka soo jeedo beesha Habar Ceyno.
[su_slider source=”media: 338134,338132″ target=”blank” width=”840″ height=”740″]
Qayb ka mid ah liiska la soo gudbiyay waxaa ka mida:
- Yaxye Cali Hareeri
- Eng Caraale
- Maryan Maxamed Cabdulaahi
- Amb Cabdiraxmaan Diinaari
- Maxamed Roble
- Cabdilqadir Gaafow
Madaxweynaha sida sharci darada ah lagu keenay Cabdicasis Xasan Lafta Gareen ayaan marnaba talo ku lahaynin cida u noqonaysa Madaxweyne ku Xigeenkiisa. Sida uu u sheegay saaxibadiisa gaarka ah, Lafta Gareen ayaa go’aanka kursiga MW Ku Xigeenka kula heshiyay Xasan Cali Kheyre. Waxa uu yiri “markii aan heshiiska wada gaarnay aniga iyo Kheyre , waxaa na sadaxeeyay Cabdikariin Gaanbe oo marqaati noo ahaa”. Lafta Gareen waxa uu intaas ku daray “MW Farmaajo waa la socodsiiyay go’aanka la wada gaaray waxaana uu ii sheegay in uu la socda qorshaha RW Kheyre raalina uu ka yahay.
Ma aha kaliya in dadka ku nool degaanka Koonfur Galbeed lagu qasbayo Madaxweyne ayan raali ka ahayn una adeegayo dano shisheeye laakiin waxaa sidoo kale loo magacaabayaa Madaxweyne Ku Xigeen ayan talo ku lahayn amaba aan ka soo jeedin degaankooda. Mar la weydiiyay qaar ka mida Ganacsatada beesha Murusade in ay dadka reer Koonfur Galbeed aqbali doonaan in loo magacaabo Madaxweyne ku Xigeen waxa ay yiraahdeen. “dowlada oo dhan ayaa dhawaan loo soo rarayaa Degamada Baraawe, yaa dadka reer Baydhabo uga baahan in ay raali ka noqdaa iyo in kale”.
Waxaa iyaga aad uga xumaaday go’aanka Ra’iisal Wasaare Kheyre Beesh Biyomaal oo in mudo ay ku taamaysay in iyaga loo magacaabi doono Madaxweyne Ku Xigeen Koonfur Galbeed.
Dhanka kale Fahad Yasin ayaa isagana damac galay in uu soo magacaabo Madaxweyne Ku Xigeenka Koonfur Galbeed, waxaana uu soo gudbiyay Cabdulaahi Shiikhey Baa-Xassan oo u dhashay beesha Reer Aw-Xasan ee uu Fahad Yasin ka soo jeedo, balse Laftagareen ay ku gacan seyray.