RW Kheyre oo Dab soo kala Dhexdhigay Beelaha Galmudug. Akhriso

Reading Time: 3 minutes

Waxaa muuqata in beelaha degaa Galmudug aysan xuquuqdooda fahmin oo ay doondoonayaan awood gacantooda ku jirta. RW Kheyre ayey wada eedeynayaan inuu xuquudooda ku tuntay oo qofkuu rabanna ka saaray cuqaasha, shakhsiyaad uu rabanna uu ku soo darsaday. Maxaa u diidaya haddii ciddii ku qabsan lahayd ee aysan garan iyo malaf yar oo uu u tuuray ku gaabsatay.

Haddaba waa maxay doqonimada intaas la’eg ee ay u cabanaayaan beelaha waayo iyaga ayaa leh:

  1. Awoodda soo xulashada cuqaashooda iyo xildhibaanadooda ee Kheyre Ma leh.
  2. Beelaha cuqaashooda ayaa leh awoodda aqbaladda dadka loo soo xulo xildhibaanno ahaan ee Kheyre Ma leh.
  3. Salaadiinta beelaha ma ahan kuwa la magacaabo, haddii ay beelaha Galmudug sidaas aqbalaanna waxay lumin doonaan inay beelaha kale la xaalaan waayo caaqilka (Suldaanka, Ugaaska iwm) ay dowladda soo magacowday waa guulwade dowladda keensatay ee beesha ma hogaamiyo wuxuuna ka shaqeyn doonaa in beesha la dhaqan guuriyo oo uu dantiisa u shaqeysto.

Dhinaca kale beelaha awooddooda waxaa ka mid ah inay ka baxaan shirka iyo doorashada dhammaanteed ilaa ay ku qanansan yihiin dadka matalaya caaqil iyo xildhibaanba.

Haddaii beelaha qaar aan cabashadooda fiirinno waxaa noo so baxaya inuu liiska uu ka jiro sadbursi weyn oo xaqdarro ah iyo dad aanbabeesha matalin ee Kheyre iyo Qoor Qoor ma tala, mana aha inuu sidaas ku soo gudbo.

Beesha Murusade

Beeshan Murusade waxay ka cabanayaan in Kheyre uu  badalay caqiilladii lagu yaqiinnay  qaar ka mid ah ee dhaqi jiray beesha oo ay cuqallada kala la xaali jireen marka ay wax dhacaan. Waxaanu RW Kheyre dalka dibadiisa uga yeertay shakhsiyaad kale.

Waa masiibo iyo albaab xun oo furmaya  haddii la aqbalo sababtoo ah:

  1. Waxay keeni doonta madaxda  dalka in ay mar waliba badalan doonaan caaqilka ku yiraahda waxaan waa khalad oo beesha kuma sama.
  2. In beesha dhaxdeeda isku dhacdoo oo la isku dilo annagaa (aniga) ah duubka beesha iyo annagey (anigey) dowladda na siisay.
  3. In beelaha kale ayan aqoonsan kan gacan ku rimiska lagu keenay oo uusan ku hadli Karin magaca beesha.
  4. Tani waxay ku dheeli doontaa dhamaan dhaqankii soo jireenka ahaa ee umadda Somaliyeed ku dhaqneyd muddada dheer oo la isku ixtiraami jiray.

Gudomiyaha Barlamanka iyo MW/K/Xigeenka Galmudug

Beesha Farmajo ee Mareexaan iyo tan Murusade ee Kheyre maaha inay qaataan Gudoomiyaha Barlamanka iyo MW/K/xigeenka doorkaan oo waxaa  xaq u yeelanaya beelaha kale si loo ilaaliyo awood qeybsiga guud ee beelaha dalka. Labada beelood waxay haysataan labada jago ee ugu awoodda badan dalka ee Madaxweynanimada iyo R/Wasaarenimada, waana sida ay sameysay dowladdii Xasan shekh Maxamuud.

Beesha Waceysle

Beesha Waceysle waxaa ka muuqda in aan laga siin mudnaantii ay ku lahayd tirada  barlamanka Galmudug marka la eego liiska la wareejinayo waayo beesha markii Xasan sheekh uu madaxweynaha ahaa waxay ogolaatay inaysan qaadan jagooyinka Gudoomiyaha barlamanka iyo kan MW/K/xigeenka oo waxay u dhaaftay Beelaha Murusade iyo Marrexaan haddaba maxay abaalgudkoodu yahay?

Haddaba hogaamiyayaasha beesha xelligaan ayaa laga rabaa inay ka dabaaqaan cadka aan u qalmin ee aysan shalay waqti luminin. Maanta ha qaadan cad quureed si aan berri lagugu sharciyeyn.

Dhinaca kale oo runtii muhimadda leh waxay tahay  in beeshaan ay deggan tahay  degmo iyo bar aan lagu tarraxin, halka beelaha kale aysan jirin degmo aan lagu tarraxin. Murusade ma jirto degmo ay kaligood deggan yihiin sida Ceeldheer oo kale. Waxaa laga yabaa inay ku doodaan Murusadaha Galhareeri laakiin ma ahayn degmo, dadka degganna uma dhigmaan Ceeldheer. Sidaas darted beelaha loo sed buriyey waa in la saxaa haddii kale waa khalad haddii ay maanta oggolaadaan beelaha laga eexday uu ku sharciyoobi doono waligoodna ay sidaas ahaan doonaan.

Tusaale beelaha Madarkicis, Murusade  iyo Marreexaan waa looga sad buriyey beesha Muddullood waana arrin sharciyoobi doonta haddii aysan beesha ka gilgilan.

Qoraalkan waa diginin maanta waxa lagu sixi karo si mar kale uusan qarankaan u galin isku dhac iyo dagaallo sokeeye oo mar waliba ka bilowda khaldaad aan la sixin marka ay bilowga yihiin.

Galmudug xaaraan ah maaha in maanta la dhiso ee waa in la dhisaa Galmudug caddaalad ah oo beelaheeda wada deeqda.

Kheyre iyo Farmajo dadntooda waa soo noqosha xaaraan ku dhisan waana cabsi inay dalka ku soo noqdaan labadaan shakhsi, sida ku cad qoraalkan xusuusta leh. Maqaalkan waxaa la xusuusan doonaa maalin aan waxba laga gaarin oo uu dalka jilbaha dhulka dhigtay.

Halkaan hoose waxaa ka maqli doontaan inta xaqdarro ay ku sameyeen beelahooda dhexdooda Farmajo iyo Kheyre, haddaba magaca qabiil ee uu kursiga ku fadhiyaa dadkooda raggii ugu kala eexdeen maxay Somaali ka sugeysaa?

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!