RW Kheyre oo Cadaado u diraya musharaxa Madaxweyne Xeef lagu badali lahaa. Waa kuma?

Reading Time: 2 minutes

Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre aya kulamo gaar gaar ah oo albaabada u xiran yihiin la yeeshay qaar ka mida beesha uu ka dhashay iyo siyaasiin kale oo ka  soo jeeda deeganka Cadaado. Kulamadaan ayaa waxa uu ka sheegay in isaga iyo MW Farmaajo go’aansadeen in ay Madaxweyne cusub  u magacaabaan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa yiri “ lacag ayaan u qorsheeynay sidii Madaxweyne Cusub aan ugu magacaabi laheyn deegaanka Galmudug, sidoo kale waxaan  helnay musharax ay isku heeyb yihiin Axmad Ducaale Xeef oo daaqada kala bixi doono Xeef”.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa waxa uu soo xushay Axmed Maxamuud Xasan oo loo yaqaano  Baasto, oo horay Wasiir uga soo noqday dowladii Galmudug.

Mar la weydiiyay wanaaga ka imaan kara in uu lacag lagu baxsho in Galmudug Madaxweyne cusub loo magacaabo? Waxa uu ku jawaabay “ waxaanu rabnaa in aan abuurno hogaan cusub oo ka soo jeesto dhanka Cadaado si Galmudug oo laba dhinac ah loo wada hadalsiiyo” Waxa uu intaas ku daray “ Careebeey iyo Casir waxa ay nagu noqdeen dad meeyd ah oo aan cadkooda goosan karin, waqtina naga lumiyay”.

Sanator Dhegdheer ayaa yiri “ walee hadii aan suufiyadda hadda la iska qaban Galmudug waa ku deysay waxa ayna gacanta waligeed ugu jiri doontaa beesha Ceyr oo dabada la galeyso Suufiyadda Al Sunna”.

RW Kheyre ayaa u xilsaaray doorashada Madaxweynaha loo sameeyn doono Galmudug Wasiir ku xigeenka Qorqooq, xidhibaan Xusseen Iidoow, Sanator Dhegdheer iyo labo xildhibaan oo kale.

Waxa muuqata in RW Kheyre go’aansaday in uu burburiyo Galmudug oo ay noqoto meel aan mamul ka jirin si ay ugu taabagashod qorshahiisa uu kula dagalamayo beelo gaar ah iyo qaabka Fedaraalka oo ay Soomaaliya horay qaadatay.