Waxaa maalinta berito ah ku beegan magaalada Jowhar Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre. Safarkaan oo qaadan doono mudo labo saacadood ah ayaa lagu sheegay in RW Xassan Kheyre uu sameeyn doono dhagax dhig mashaariic lagu sheegay in ay maalgalinayso dowladda Qatar.
Ma aha markii ugu horeeysay oo mashaariic noocaan ah loo dhgax dhagax dhig deeganka Jowhar. Mashaariicda la rabo berito in lagu jahawareeriyo shacabka reer Jowhar ayaa horay dhowr mar loogu qabtay Magaalada Muqadishu. Safarkaan ayaa u muuqda mid la doonayo in lagu taageero MW Waare oo noqday mid lumiyay kalsoonidii Dowlad Goboleedyadda iyo tii shacabka ku dhaqan deegaanka Hirshabeele. Ujeedad augu wayna waxa ay tahay in shacabka reer Hirshabeele loo muujiyo in dowladda dhexe ay taageertay go’aankii uu MW Waare qaatay ee uuu uga baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeedka.