RW Kheyre oo baryo ugu tagay Gud. Maxamed Mursal welwelna ka qaba in uu… (Akhriso)

Reading Time: 2 minutes

Kulan daba socda bayaankii ka soo baxay wadamada beesha caalamka ee MW Farmaajo looga codsaday in uu si degdeg ah wax uga qabto xaaladda cakarin ee ka jirta Soomaaliya ayaa waxaa goordhow isugu yimid RW Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal. (Halkan ka akhriso)

Kulanka ayaa hadda ka socdo xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare sida ilo xog ogaal ah ay u xaqiijiyeen MOL. Kulanka ayaa ka dhacaya xarunta kadib markii labada dhinac is-aamini waayeen, oo midba midka kale uu diiday inuu xafiiskiisa yimaado, taasi oo dhalisay in meel dhexe la isugu yimaado.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa arrimaha mooshinka, maadaama guddoonka baarlamaanka ay xal ka gareen khilaafkii u dhaxeeyay dhexdooda, waana kulankii labaad oo masuuliyiintaan dhex mara tan iyo markii mooshinka madaxweynaha uu xoogeystay.

RW Kheyre oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa waxaa welwel badan uu ka qabaa qodobadii ay wakiilada beesha caalamka u soo dhiibeen MW Farmaajo taasoo ay ku sheegeen in uu dalka u baahan yahay isbedel iyo in uu keeno RW xal keeni kara.

Qodobada ayaa waxaa ay kala yihiin.

1. In la dhowro sharciga iyo dastuurka dalka, isla markaana si dhaqsa ah xal looga gaaro isfaham waaga Madaxweynaha iyo Baarlabaanka. Xal degdeg ahna loo helo mooshinka Madaxweynaha iyadoo la ilaalinaayo sharciga iyo dastuurka dalka.
2. In MW Farmaajo looga fadhiyo in uu soo dhiso dowlad wadaag ku saleysan awood qeybsi, mucaaradkana ay qeyb ka noqdaan dib u dhiska iyo nidaamka dowliga ah.
3. In doorashada lagu ballansan yahay sanadka 2020 aanay marnaba dib uga dhici karin waqtiga loo cayiman.

RW Kheyre ayaa isku dayaya in uu ka badbaado waxaana suurto gal ah in uu halkaa ka bilowdo isku dhac MW. Farmaajo iyo RW Kheyre, taasoo sababi karta in xalka Mooshinka uu sii adkaado, ama xal uu noqdo in mooshin kalsooni laga geeyo RW Kheyre.

Wixii soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa