Kheyre oo ka go’antahay in taladiisa la yeelo ama in uu ciidan ku qabsado Dhuusamareeb (Xog xasaasi ah)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa caawa ka socda magaalada Muqdisho qabanqaabo ciidan uu soo dalbaday RW Kheyre kuwaasoo maalinta berrito ah lagu wado in haddii ay u suuro gasho la geeyo magaalada Dhuusamareeb si ay xoog ugala wareegaan ciidanka Ahlu Sunna oo maanta qabsaday garoonka magaalada Dhuusamareeb.

Sida ay ilo wareedyo ka tirsan CXDS ay MOL u sheegeen in haddii ay ciidankan berrito ka degi waayaan magaalada Dhuusamareeb uu qorshaha loo sameeyay uu yahay in ay diyaaradda geyso magaalada Guriceel ama Beledweyne halkaas la sheegay in lagu diyaarin doono gaadiid u daabula magaalada Dhuusamareeb.

Waan waan laga dhex waday Macallin Maxamud iyo RW Kheyre aya caawa fashil ku dhammaaday, waxaana ka go’an RW Kheyre in uu xoog kula wareego magaalada Dhuusamareeb kaddibna uu soo xir xiro Macallin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir.

Ujeedka ugu weyn ee markii horeba uu RW Kheyre u tagay Dhuusmareeb aya ahayd in uu kala dhantaalo cududa ciidanka Galmudug kuwaasoo uu u kala qeybiyo kuwa taabacsan Ahlu Sunna, kuwo taageersan Cadaado iyo kuwa taageersan Galmudugta Gaalkacyo.

Isku dayo dhowr ah uu sameeyay Kheyre ayuu ku guul dareystay in uu qiyaano beelaha Sacad iyo Saleebaan, waxaana iminka beesha Habargidir uu shir uga socdaa magaalada Hobyo, balse waxaa hubaal ah in haddii ay xabad ka bilaabato Dhuusamareeb oo ay isku dhacaan ciidanka Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda uu dagaalka noqon doono dagaal beeleed u dhexeeya beelaha dega Galmudug iyo ciidanka RW kheyre keenay gobolka Galgaduud.

Sida loo xaqiijiyay RW Kheyre aya maanta waxaa uu lacag siiyay beesha Duduble iyadoo lacagtaas loo mariyay wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha Gudaha, qeybo ka mid ah beesha Duduble ee maanta lacagta la siiyay aya soo saaray warmurtiyeed ay ku taageerayaan RW Kheyre iyo qorshahiisa Galmudug. Balse waxaa arrinta gaashaanka ku dhuftay ugaaska beesha Duduble oo hadda ku sugan magaalada Hobyo isla markaasna ah Guddoomiye ku xigeen guddiga hoggaanka Beesha Habargidir.

Shaqsi diiday in magaciisa la sheegay oo maanta ka qeyb galay shirkaas aya MOL u sheegay “Wuxuu RW Kheyre nasiiyay lacag, balse ma aha shaqsi la aamini karo mana rabno in aan qeyb ka noqono burburka uu ka wada Galmudug, balse lacagta aan ka qaadanay waa mid aan xaq ugu leenahay dowladda”

Kheyre oo damacsanaa in uu khiyaano ciidanka Ahlu sunna aya bixiyay mushaar hal bil ah, taasoo uu islahaa waxaa degaya ciidanka uga imanaayay Muqdisho si uu ugu qabsado cudud magaalada Dhuusamareeb balse Ahlu Sunna oo fahantay khiyaanada Kheyre aya diiday in ay soo degaan wax diyaarado ah iyo ciidan laga keenay Magaalada Muqdisho.

KHeyre aya aad uga carooday markii la diiday in ay soo degaan ciidankii uu Muqdisho ka dalbaday, isla markaana laga qaatay lacagtii mushaarka ahayd, aya waxaa arrinta ka dhashay isku dhaca RW Kheyre iyo Macallin Maxamuud.

Waxaa dadbadani isweydiinayaan sida ay suurto gal ugu noqoneyso RW Kheyre ciidanka uu Muqdisho ka dalbaday sida uu ku geyn lahaa magaalada Dhuusamareeb.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa wixii soo kordha saacadaha soo socdo.