RW Kheyre $200 Kun oo doolar ku bixiyay in shir beesha Mudulood loo qabto maalinta berito!

Reading Time: < 1 minute

Ra’isal Wasaare Kheyre oo dhawaalahan danbe bilaabay in uu dagaal siyaasadeed ku qaado MW Farmaajo ayaa waxaa uu u muuqdaa in uu doonayo inuu beelaha Hawiye uu gabaad ka dhigto. Isaga oo doonayo in uu iska dhigo qof difaacayo beesha Hawiye, gaar ahaan beesha Mudulood. Waaxaa uu ka codsaday ugaaska Beesha Abgaal Ugaas Maxamuud Cali Ugaas in uu shir dhaqso ah beesha Mudulood la isugu yeero maalinta berito ah. RW Kheyre ayaa isla galabta ku wareejiyay Imaanka Abgaal lacag gaaraysa $200 (labo boqol oo kun oo doolar). Ugaaska iyo kusimaha  Imaanka Abgaal ayaa ah shaqasiyaad iibsada kana ganacsada sharafta beesha Abagaal ayaa aqbalay codsigaas. Lacagta waxaa loogu dhiibay oo u geeyay wasiirka Warfaafinta Dahir Maxamuud Geele.

Shirkaan la qorshaynayo in uu dhaco maalinta berto ayaa ujeedadadiisu tahay in RW Kheyre uu dusha ka saaro dhibaatada ka jirto Muqadishu MW Farmaajo. RW Kheyre ayaa rabo in uu beesha Mudulood ka codsado in ay la shaqeeyaan isla markaana qayb ka noqdaan dagaalka Siyaasadeed ee uu doonayo in uu kula dagaalo MW Farmaajo.

Shirkii fashilka ku dhaamaday ee lagu canbaaraynayay MW Axmad Madoobe ayaa beesha Abgaal diiday in ay qayb ka noqoto, iyaga oo u arkaayay in shirkaas ujeedadiisu ahayd in laga dhex abuuro beelaha Soomaaliyeed colaad dagaal oo hor leh.