RW Kheyre iyo Xildhibanada Beesha Murusade oo raba in ay damiintaan qoyskii gubay Marxuun Axmad Dowlo

Reading Time: < 1 minute

Waxaa saacadihii u danbeyay ka socday magaalada Muqadishu olole ay wadaan RW kheyre iyo beesha Murusade oo la doonayo in lagu siidaayo qoyskii gubay Marxuun Axmad Dowlo. Marxuunka Allaha u naxariistee waxaa si arxan daro ah loogu gubay magaalada Muqadishu ka dib markii qoyska gabadhii ay isjeclaayeen ka horyimaadeen  in ay is guursadaan. Olalaha damiinashada ayaa waxaa si gaar ah u hogaaminaya Xildhibanadda kala aha; Dhagdheer, Mustaf Dhuxulow iyo Xuseen Iidow.

Gudoomiyaha Gobolka Banadir ayaa ka hor yimid kaasoo sheegay in ayan xaq ahayn in la siidaayo ama la damiinto cidii ka danbeeysay dillkii Axmad Dowlo.

Halkaan ka dhagayso codka Gudoomiye Yarisow