Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Kooxdiisa Calooshood u Shaqeystayaasha ah ayaa mudooyinka dambe ka Walaacsanaa sidii Farmaajo looga dhaadhicin lahaa in Yariisow uu sii ahaado Gudoomiyaha Gobalka inta laga gaarayo doorashada 2021.
Sida aan horeyba u sheegeyne Madaxweyne Farmaajo ayaa aad uga xun Dhibaatooyinka ka socda xarunta Dowladda hoose ee xamar, wadashaqeyn la’aanta ka dhex jirta Maamulka Gobalka Banaadir, nadaafada darada, burburka wadooyinka, jidadka xiran iyo dadweynaha oo aad uga cabanaya waxqabad la’aanta iyo xumaanta Joogtada ah ee Maamulka Gobalka Banaadir uu ku haayo Bushada reer Muqdisho.
Hadaba, waxaa jira kooxda tuugo ah oo ku shaqeysata Magaca Gudoomiyaha kuna difaacda hadii xilka Gudoomiyihu la damco in laga qaado.
Waxaa kooxdaasi hogaamiya Xildhibaan Mustafa Dhuxulow oo ah Madaxweyne Farmaajo seedigiisa, kooxda waa sidan Xildhibaan Abtidoon Yare, Xildhibaan Carabow, Cawil Daahir Salaad.
Asbuuc walba labo ka mid ah kooxdan ayaa waxaa ay u tagaan Madaxweyne Farmaajo si ay u handadaan, waxayna Madaxweyne Farmaajo u sheegaan in buuq badan uu imaanaayo hadii Yariisow xilka laga qaado, kooxdan iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa aad isaga warqaba, waxay heshiis ku yihiin sidii loo boobi lahaa hantida ummada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Dhowaan Hantidhowraha qarabka u direy inuu baaritaan ku sameeyo Hanaanka dhaqaalaha iyo Maamul ee Maamulka Gobalka Banaadir, baaritaan dheer ka dibna waxaa la ogaadey in si xoog leh loo dhacay lacagaha Gobalka ee dhanka canshuuraad ka Soo xerooda, waxaa Hantidhowraha si toos ah ula hadley Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u sheegey inuu baaritaankii uu Sameeyey ka laabo report kana loo gudbin Hay’adda cadaalada, police ka, Madaxweynaha iyo xisaabiyaha guud.
Madaxweyne Farmaajo si toos ah uma oga arintan waayo waa nin meel isaga xiran oo wixii loo sheega iska qaata, balse la arki doonee sida uu go’aan u qaato madaxweynaha