RW Kheyre iyo Wasiir Beyle oo caawa u qeybiyay lacago laaluush ah xubno ka mid ah guddiga Maalyadda (Magacyada)

Reading Time: < 1 minute

Warar lagu kalsoon yahay oo an goor dhow ka helnay ilo wareedyo ku sugan xafiiska RW Kheyre aya MOL u xaqiijiyay in caawa xafiiska RW Kheyre ay lacag dhan $10 kun oo dollar ugu qeybiyeen sideed xubnood oo ka tirsan guddiga maaliyadda ee Baarlabaanka JFS.

Xubnahan aya saxiixay warqad ay ku sheegayaan in aanay goobjoog ka ahayn isla markana aanan laga wargelin warbixintii ay soo saareen guddiga Maaliyadda ee Baarlabaanka JFS taasoo lagu eedeeyay wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir in ay lunsadeen ama aanan la ogeyn halka ay ku baxday lacag than $41 Milyan oo dollar.

Xubnaha la laaluushey ee ka midka ah guddiga Maaliyadda aya waxa la is weydiinayaa xaggee beey ku maqnaaneen tan iyo markii guddiga Maaliyadda ay soo saareen warbixinta.

Xubnaha caawa la laaluushay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanada hoosta ku qoran kuwaaso loo qeybiyay midkiiba $10 Kun oo dollar.

1. Xil. Maxamed Soomaali
2. Xil. Dubees
3. Xil. Cali Xoosh
4. Xil. Cabdi xukun
5. Xil. Maxamuud siraaji
6. Xil. Sahra cabdulqaadir

Lacagta laaluushka la siiyay ayaa loo xaqiijiyay MOL in  looga bedeshay in ay saxiixaan warqad ay ku beeninayaan in ayasan goobjoog ka ahayn halka warbixinta maaliyadeed ee guddigu soo saaray lagu go’aaminayay.

Falkan aya waxaa uu dhaawac u geysanayaa habsi u socodka hannaanka dowliga ee korjoogteynta howlaha maaliyadda dalka iyo isla xisaabtanka saxda ah ee kuwajahan maamulka qarashka iyo daqliga hay’adaha dowladda.

Haddii ay guddiga ka noqdaan warbixintii ay soo saareen waxay dhaawaceysa ku kalsoonaanta ay shacabka ku kalsoon yihiin guddiyada baarlabaanka JFS, kuwaaso oo noqonaya guddiya ku sifooba igu shubo.