RW. Kheyre iyo Fahad Yasin oo go’aansaday in la maxkamadeeyo Muktar Robow

Reading Time: < 1 minute

RW. Xasan Cali Kheyre iyo kusimaha NISA Fahad Yasin ayaa ku amray xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Dahir in uu ku soo rogo dacwad ka dhan ah Mukhtaar Roobow taasoo lagu maxkamadeyn doono dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne.

Sida ay MOL u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa lagu wadaa in dacwada ay soo baxdo maalmaha soo socdo.

Waxaa sidoo kale MOL loo xaqiijiyay in doorashada Koofur Galbeed dib loo dhigi doono markale inta ama uu ka tanaasulaayo ama la soo xirayo Mukhtaar Roobow.

Go’aanka oo lagu gaaray shir deg deg ah oo ay wadayeesheen MW. Farmaajo RW. Kheyre & Fahad Yaasiin aya waxaa looga yeeray Villa Somalia Xeer Ilaaliyaha laguna wargeliyayin in uu dedejiyo dacwada ka dhanka ah Mukhtaar Roobow.