Ra’isal Wasaare Xassan Cali Kheyre oo kulan la qaatay xildhibaano ka soo jeeda beesha Hawiye ayaa u sheegay in lagu hayo “dagaal siyaasadeed” oo ka imaanaya beesha Daarood kaas oo uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo. RW Kheyre oo iska dhigayo shaqsi dulmi lagu hayo ayaa yiri “waxa la igu haystaa ma taqaanin, waxaa la igu haystaa arinta Xajka oo aan ka diiday MW Farmaajo oo ahayd in howlaha Xajka loo wareejiyo beesha Daarood”
RW Hassan Cali Kheyre ayaan qarsanaynin dagaalka kala dhexeeyo Madaxweyne Farmaajo. Waxaa uuna bilaabay in uu garaaco durbaan qabiil oo u jeedadiisu tahay in uu iska horkeeno qabaa’ilka Soomaaliyeed. Xildhibaan Goodax Barre oo ka mid ahaa xildhibaanada la kulmay ayaa ku yiri RW Kheyre “ Mudana Ra’isal Wasaare sheydaanka iska naar, anaga nooma muuqato dagaal beeleed ka jira Muqadishu, Hawiyana lama dagaashano Daarood, Daaroodna lama dagaashano Hawiye, hadii aad adiga iyo Madaxweynaha is qabateen waxaad ku kala baxaysiin waa sharicga”
Waxaa nasiib xumo ah in RW Kheyre bilaabo in uu u dhaqmo sidii caruurta bilaabana in uu wadanka galiyo xaaalad dib loogu noqdo dagaal beeleed.