RW Kheyre: “Baarlamaanka Soomaaliya ee aad sheegeysaan waa beec”

Reading Time: < 1 minute

RW Xassan Cali Kheyre oo kulan gaar kula qaatay magaalada Oslo intuu uu sanfarka ku joogay dad yar oo kooban oo ka soo jeeda beeshiisa hoose. RW Kheyre ayaa u sheegay dadkii uu la kulmay in baarlamaan wax la yiraahdo uusan dalka ka jirin, waxaana uu u sheegay in dowlada mushaar ayan xaq u lahayn siiso laakiin wax dan ah oo ay u qabtaan umadda Soomaaliyeed ayan jirin. Waxa uu yiri “war xaqiiqda waa in aad ogaataan, dadka qurbaha joogana aad u sheegtaan meesha wax baarlamaan la yiraahdo Soomaaliya kama jiro waa calooshood u shaqeeystayaa” waxa uu ku daray “ habeen iyo maalin xafiiskeyga ayaa ay hor tuban yihiin iyaga oo lacag iyo jago doon ah, walaahaan ku dhaartay waan ka shaqaysan la’ahay” dhanka kale waxa uu waydiiyay dadkii uu sida gaarka ula kulmay “ma ii sheegiu kartaan waxa ay qabtaan aqalka sare kuwa lagu sheegayo, “waxa uu noqday goob fadhi ku dirir ah oo dowlada baad looga qaato”. Waxa uu hadlaakiisa ku sii daray “sidaan laguma fiirsan karo umadda Soomaaliyeed”.

Hadalka RW Kheyere ayaa ay dadka ka qayb-galay kulankaas u arkeey in uu ahaa mid muujinaya in uu ku jiro damac ah in la kala diro baarlamaanka Soomaaliya. Sida muuqato waxaan shaki ku jirin in kooxda Farmaajo qorsheeynayaan in baarlamanka la kala diro si ayan wax mooshin ah uga keenin dowlada. Dad badan oo odorasa siyaasadda Soomaaliya ayaa rumaysan in barlaamank Soomaaliya noqoday waxa afka qalaad lagu yiraahdo “top up” ama igu shubo. Markii looga baahdo cod waa la iibsadaa.. tusaale si loo kala diro oo loo mashuuliyo horaantii bisihii Maajo waxa RW Kheyre u qaybiyay xildhibaanada $5,000 oo lagui yiri carurtii uciid taga, ilaa hadda tii bay ku maqan yihiin.