Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre oo fadhi gaar ah saakay la qaatay qaar ka mida xildhibaanada ka soo jeeda DG Hirshabele ayaa si gaar ah ugu sheegay xildhibaanadda in cida ay aaminayn taladana ay ku darsadeen uu yahay Madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlaawe. RW Kheyre waxa uu yiri Xildhibaanadda “Cali waxa uu mudo ku dhaw labo sano uu si aan hagrasho lahayn ula soo shaqeeyay dowladda Federaalka, waana qof la aamini karo oo ay ka muuqato daacadnimo iyo rabitaan dowladnimo”. Mid ka mida xildhibanadda la kulmay RW Kheyre ayaa u sheegay MOL in MW Waare yahay nin lunsan oo aan la aamini karin. Xildhibaanka oo ka gaabsaday in aan magaciisa sheegno ayaa yiri “ war iska dhaaf RW Kheyre iyo MW Farmaajo ee aniga oo xildhibaan ah xataa ma aamini lahayn”. Waxa uu intaas ku daray “imisa mar ayuu balanta uga baxay dowladda iyo dadka deegaanka Hirshabele, lacagihii uu soo qaatay 12 kii bilood ee u danbeeysay waxa ay kor u dhafayaan 2 Milyan sida uu noosheegay Ra’iisal Wasaaraha, mushaar xataa kama bixin iskaba daa in uu u gargaaro dadka dhibaatada ka soo gaartay fatahaada wabiga”
Maxamed Cabdi Waxar (Gaduura)oo ah taliyaha Nabadsugida DG Hirshabelle ayaa u sheegay MOL in Madaxweyne Waare habeen iyo maalin ku noq-noqdaa oo uusan ka lug bixin xafiiska Ra’iisal Wasaaraha waxana ay u muuqataa in aysan u suuragalin in uu ka helo wixii uu ka rabay RW Kheye. Gaduura ayaa yiri “ MW Waare waa da’daalayaa laakiin waa qof dhiban sida iiga muuqato, waxaana ka muuqda wal-wal badan oo la xiriira waxa ka dhalan karo heshiikii uu dhawaan la galay dowladda Fedaraalka”