RW Kheyre “Ama Ducaale ayaad magacaabeysa ama anigaa is casilaayo” Akhriso

Reading Time: < 1 minute

Shir qaatay muddo saacado ah oo ay caawa wada yeesheen Madaxweyne Farmaajo, Fahad Yasin & RW Kheyre aya la isku mari waayay, kaddib markii uu RW Kheyre soo jeediyay in Guddoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabo wasiirkiisa amniga Abukar Islow Ducaale.

RW Kheyre aya ku adkeysanaya in Ducaale lagu bedelo Eng. Yariisow si aanan gobolka uusan gacan ugu galin shaqsi aanu isaga keeni si uu u difaaco shaqaale badan oo jufadiisa ah oo ay qoreen Taabid Cabdi iyo Eng. Yariisow.

Waxaa kale oo dadka u dhuun daloola siyaasadda ay sheegayaan in RW Kheyre oo ah musharax madaxweyne 2020 uu rabo in uu ka helo gobolka Banaadir dhaqaalihii uu ku geli lahaa doorashada iyo tii uu ku soo saari laha xildhibaanada isaga taageersan.

Madaxweyne Farmaajo aya isagana ku adkeysanaya in uu Ducaale ku fashilmay wasiirka amniga isla markaana aanu xil kale oo mug leh aanu u magaabeyn. Ilo wareedyo ku dhow dhow xafiiska RW Kheyre aya MOL u sheegay in berri subax ay rajeynayaan in lagu dhawaaqo magacaabidda Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyagoo saadaalinaya in Ducaale loo magacaabi doono xilkaas.

Waxa sidoo kale jira in Madaxweyne Farmaajo uu rabo shaqsi kale oo aanan helin magaciisa in uu rabo in uu xilkaa u magacaabo. Sida ay noo sheegeen ilo wareedyada, RW Kheyre aya uga soo tagay madaxweyne Farmaajo in ka fiirsado go’aankiisa, balse intaa ku daray “Haddii aad magacaabi weysid Ducaale, anigana waan is casilaayaa’ RW Kheyre aya bartay jileeca Madaxweyne Farmaajo, waxaana hadaladan oo kale uu ku yiri markii uu sidoo kale ku dhegay in Eng. Yariisow la magacaabo lix bilood ka hor.

Lama oga go’aanka uu qaadan doono Madaxweyne Farmaajo waxaase loo badinayaa in uu maro wadadii uu hore u maray ee uu ku magacaabay Eng. Yariisow