MOL aya heshay nuqul sir ah oo laga diyaariyay booqashadii uu RW Kheyre ku tagay dalka boqortooyadda Sacuudiga mudo laga joogo labo asbuuc. Kulanka uu la qaatay dowladda Sacuudiga gaar ahaan mas’uuliyiinta ugu sareeysa dalkaas ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.
RW Kheyre oo kulan gaar ah la qaatay dhaxal sugaha Dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salaam aya kala hadlay dhibaatadda ay urur diimeedka ku hayaan Soomaaliya iyo khatarta uga imaan karta Dalka Sacuudiga. RW Kheyre ayaa yiri “Boqortooyadda Sacuudiga waa ay ka guuleysatay urur diimeedyadda anagana waxaan doonaynaa inaan wax ka barano sida boqortooyadda Sacuudiga uga hortagtay ururadaas”.
RW Kheyre oo ay ku jrto damac in uu qanciyo am ka helo dareen laxawsi ah Boqor Maxamed Bin Salman ayaa ka hadlay sida Soomaaliya ay gacanta ugu gashay urur dimeedka gaar ahaa waxa uu ku tilmaamay urur diimeedka Akhwaan Muslimiin. RW Kheyre ayaa u sheegay Maxmed Bin Salmaan in uu isaga ka soo shaqeyn jiray hay’addo taageera waxbarashada isla markaana xog ogoaal u yahay sida waxbarasha Soomaaliya ay gacanta ugu gashay urur diimeedyadda. RW Kheyre ayaa yiri “ hadii aaan waxbarashada Soomaaliya waxa laga badalin dalka Soomaaliya waxaa ka soo baxayaa kumaan dhalinyaro ah oo lagu barbaariyay naceeybka dalka aan walaalaha nahay ee Sacuudiga”.
RW oo faanaya aya u sheegay Boqorka iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Sacuudiga mudane Adel Al-Jubeir in ay xukuumadda uu madaxda ka yahay ay bilaawday talaabooyin looga hortagaayo ma’baadiinta khaldan oo ay faafinayaan urur diimeedyadda, gaar ahaan dhanka waxbarashada . RW ayaa ku yiri Boqorka “ waxaa kuugu bishaareynayaa in ay xukumadeyda ay 24 skuul kala wareegtay urur diimeedka Akhwaanu Muslimiin, waxaan qorsheyneynaa in aan jamacadahana kala wareegno waqtiyadda soo socda”.
Sidoo kale waxaa uu RW Kheyre ka hadlay waxa uu ugu yeeray “isku milanka siyaasadda iyo urur diimeedka” waxa uuna tusaale u soo qaatay xisbiga dhawaan looga dhawaaqay magaaalada Muqadishu kaas oo uu hogaamiyo Madaxweynihii hore Xassan Shiikh Maxamuud. RW Kheyre ayaa ku tilmaamay in xisbiga iyo hogaankiisaba ay ka soo jeedaan urur diimeedk Akhwaanu Muslimiin dabadana kula jiraan qeybaha k ala duwan eewaxbarashadda. Waxa uu yiri “ waxaan balan qaadeynaa in aanan marnaba fursad la siinin urur diimeedyada iyo hogaankoodaba in ay siyaasadda Soomaaliya saameyn weyn ku yeeshaan”.
Waxa muuqata in RW Kheyre uu damac kaga jirto in uu dareen been abuur ah ka sheego xaaladda Soomaaliya si uu u helo taageero.