Rw Kheeyre oo Qiyaamay Kooxdiisa Qiyaano Qaran iyo Villa Somalia oo ka Carootay,Arinkaasi(AQRISO WARBIXINTA)

Reading Time: < 1 minute

Villa Somalia  oo dareensan in Magacabistii Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, ay dhabarka ka tooganayso qorshahooda ahaa in Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha koonfurgalbeed uusan ku soo laaban kursiga, waxayna isla dhex marayaan in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre qiyaameeyay kooxdooda waa sida ay ii sheegeen xubno ku dhow dhow dowladda.

Dadaalkii iyo Guuxi beryhan la isla dhex marayay ee ahaa in Villa Soomaaliya ama Madaxweyne Farmaajo hadba qofkii sida u garto nidaamka maamul dalka waxay ku mashquulsanayan inay taageeran musharax ka soo horjeeda Madaxweyne Shariif Xasan Sh Aadan, in kastoo go’aankooda weli si rasmi ah ugu dhawaaqin hadanna xubno aan kala sheekeystay arrimahan waxay ii sheegeen in Shariif oo soo laabto uga dhigan tahay in ay soo wada laabtan madaxweynayaasha kale ee Maamulada iyo inaan dalka is bedel ka dhicin.

Hadaba Villa Soomaaliya waaga ayaa ku bariyay saaka markii ay ka war heleen gacanta midag o Shariif Xasan Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, oo la magacabay.

Sidaas darteed waxay is weydiinayan in Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre si hoos ula shaqeynaya Shariif Xasan isla markaana Kheyre marna ogolaan doonin in Shariifka lala dagaalamo.

Mid ka mid ah xubnaha Villa ku xoogan badan ayaa ii sheegay in Shariif iyo Kheyre isla socdaan Madaxweyne Farmaajo-na la qiyaameeyay.

Laakiin dadka koonfurgalbeed gaar ahaan taageerayaasha Shariif Xasan ayaa u arka kala jabka Federaalka inay guul u tahay maadama faragelinta Federaalka saameyn ku yeelan karto waxaa ka dhaca Koonfurgalbeed.

Si kastaba hadda waxaa muuqa in Kheyre labo weji ku socda midna Farmaajo seexinayo midna Shariif Xasan ku dhisay