Iyado uu Xalay Xaqiijiyay Prof Jawaari in uu iska casilay Xilkii Afayahenka Golaha Shacabka aya waxa arintaasi iska kaa shadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Khyere waxaase Sua’aal la galinaya shaqsiga lala doonaayo cida uu noqon doono iyo danaha uu ka shaqeyn doono.
Siyaasiga C/raxmaan Xeyle oo ah xeeldheere taxliiliya arimaha siyaasada Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka iyo Raisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ay doonayaan in booska Jawaari baneeyay ay keensadaan shakhsi ay ku ilaashadaan Kursigooda inta ka harsan muddo xiloodkooda.
Waxa uu sheegay in sababtii keentay in uu isku casilo Jawaari ay aheyd, in uu diiday ku shaqeynta amarka madaxtooyadda Soomaliya iyo Xukuumadda sida dhowr mar uu ku celceliyay.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyihii Hore ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka is ka casilay si uu Baarlamaanka uga badbaadiyo burbur, iyadoo todobaadyo ay jireen xiisado siyaasadeed oo saameeyay hey’adaha dowladda.
Madaxtooyada Soomaaliya aya waxa ka soconaayo shirar lagu gorfeynaayo Shaqsiga ay ku badalan la hayeen Prof Jawaari oo diiday in amarkooda uu ku shaqeyo,waxaase imaan doono Gudoomiye loo Gudoomiyo.