Rw Khayre Oo iscasilaadiisa ka hor Xilka ka qaadi Rabo Wasiirka Arimaha Dibada ..

Reading Time: < 1 minute

Warar hoose oo heleyno  ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku dhow yahay inuu xilka ka qaado Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ka dib khilaafkii ka dhaxeeyay labada masuul oo meeshii ugu xumeyd gaaray.

Khilaafka labadan mas’uul oo dhowr bil ka hor soo bilowday ayaa xal loo waayay ka dibshuruudo adag oo Ra’isiul wasaaraha uu ku xiray Wasiirka halka isagana uu diiday inuu fuliyo.

Kheyre iyo Cawad ayaa khilaafkooda wuxuu marka hore ka bilowday isfahan’waa soo kala dhex galay ka dib markii Cawad uu Madaxda dalka kaga digay Xiriirada gaarka ah oo ay la sameynayaan Qatar inay sii fogeyneyso wada hadalada ay ku jiraan Imaaraadka.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ku amray Wasiirkiisa arrimaha dibada inuusan la kulmi Karin wafdi ka socdo Dowlada Imaaraadka balse dhamaadka bishii lasoo dhaafay ayuu Muqdisho wasiirka kula kulmay wafuud ka tirsan safaarada Imaaraadka.

Xiriir hoosaadka shakiga badan abuuray ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad kala dhexeeya dowlada Imaaraadka ayaa sabab u noqon doona inuu xilkiisa ku waayo.