RW Khayre inta uu xukunka haayay maxaa lagu xasuusta mise uqalanyaa Madaxweynenimo

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
6 9 days
0 0 hours
5 4 minutes
2 2 seconds
Reading Time: 2 minutes

Raisal Waaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Hassan Ali Khayre oo ah musharax utaagan qabashada xilka Madaxweynaha JFS ayaan ku qaadan dhigeeyna maqaalkaan shaqsiyadiisa & cashirada laga bartay hoggaamintiisa maamul mudadii 3 sano aheyd ee uu dalka ka ahaaa Raisal Wasaaraha JFS.

Ugu Horeyn Shaqsiyadiisa RW Hassan Ali khayre waa masuul ku sifeeysan qodobada kala ah.

  1. Qabyaaladiiste asagoo awood sheegasho  maamul ku sameeyay Beelaha hiraab ee Hawiye isla markaasna beeshiisa ugu naasnuujiyay xafiiska Raisal Wasaaraha JFS mudadii uu xafiiska joogay.
  2. Shaqsi aan karti u laheen isku wad shacabka soomaaliyeed ee kala figrad duwan asagoo ku caan baxay abuuris koox asaga daacad u ah wixii kasoo haranaa wuxuu isku dayaa inuu burburiyo .
  3. Shaqsi been badan isla markaasna ku dadaala marin habaabinta shacabka ,
  4. Shaqsi aan cadeenin xaqiiqada jirta kana qariya shacabka siro badan .

Raisal Wasaare Khayre inta uu dalka maamulayay wuxuu galay gabood falo waaweyn oo shacabka soomaaliyeed tusaale ugu noqon karta hadii madaxweyne uu noqdo waxaa laga filan karo.

  1. Bahdilaadii uu kusameen jiray Golihiisa wasiirada taaso keentay in maalintii codka kalsoonida looqaadayay ay ka codeeyen.
  2. Caburintii aan loomeel dayin  ee Xildhibaanada JFS kala kulmeen RW Khayre isla markaasna uu ka dhigay golle sacbis aan xurmo ku leheen guud ahaan shacabka soomaaliyeed dhaxdooda.
  3. Fasahaadkii uu ku sameeyay CQS asagoo ciidamada ukala qeybiyay qabyaalad waxaana lagu xasuustaa in ciidamada ku abtirsada beelaha hiraab sida loogu galay NISA & Booliska.
  4. Sida uu umaareeyay qadiyadii bada oo laga dareemayo in xukuumada aysan daacad ka aheyn kiiska.
  5. Dhiibistii muwaadin sarkaal , halyeey qaran Cornel Abdiasiis Qalbi dhagax.
  6. In taariikh da soomaalida markii u horeeysay urur gobonimo u dirir soomaaliyeed uu u aqoosaday argagaxiso  asagoo shir gudoominaayo golaha wasiirada.
  7. lama soo koobi karo heerka musuq maasuq ee Xukuumadii uu hoggaanka u hayay.

RW Khayre waa shaqsi taariikh madoow ku leh soomaaliya,  xalada hada lagu  jirana wuxu  laf dhabar u ahaa in ishaan ay yeelato dalkeena . iyadoo shacabka soomaaliyeed aykala qeybiyeen asaga & MW Farmaajo.

Eeda uu MW farmaajo hugan yahay ma ahan mid asaga kaliya ku kooban ee waxaa shuraako kula ah rag faro badan oo ay ka mid yihiin RW Khayre , fahad yaasiin , thaabid omar IWM.

In maanta laga dhigo wixii uu eed falay RW Khayre mid waxba kama jiraan ah loona aqoonsado halyeey qarana ama shaqsi isbadal doon ah waa nasiib daro , waxaa la doonayaa in la badalo dhaqan xumadii uu ku maamulay xafiiska Raisal Wasaaraha ee ma ahan in lagu abaal mariyo in dib loogu celiyo maamulki uu horey ugu fashiilmay.

 

Doorasho