RW hore Omar Cabdirahiid ayaa dib cadeeyay mowqifkiisa ku aadan Qabi Dhagax

Reading Time: < 1 minute

Ra’isal Wasarihii hore Mudane Cumar Cabdirashid ayaa maanta dib u cadeeyay mowqofkiisa ku wajahan go’aankii golaha wasiiraada iyo masaafurinta Korneel Cabdikarim Shiikh Muse (Qalbi Dhagax).

Cumar Cabdirshid oo la soo xiriray Maanta Muqadishu Online ayaa inoo sheegay in uu ka soo horjeedo mowqifka dowladda qaadatay isla markaana qalad ahayd in la la musaafuriyo Qalbi Dhagax.

Waxa uu yiri “Ma aha wax sharciga waafaqsan, dhaqan aan u ahayn ummadda soomaliyeed, in muwaadin Soomaaliya xuquuqdiisa lagu tunto” RW hore Waxa uu ku daray ” waxa ay ila tahay in go’aankaas lagu degdegay, isla markaana uu waddo xun u furayo ummadda Soomaaliyeed”

Mar aan waydiinay isaga oo ah Senator in uu kala hadlay Xildhibanada kale qadiyaan Waxa uu inoo sheegay in uu si jooogto ah ula xiriiro xildhibanadda, waxaana rajaynayaa in ay dhawaan go’aan ka qaadan doonaan. Ayuu ku soo kooban hadalkiisa

Howlwadeenno ka tirsan xafiiska RW Kheyre ayaa Muqdisho Online u sheegay maalmo ka hor in RW CCC uu taageersan yahay go’aanka golaha wasiirada sida aan halkan idiinku soo gudbinay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!