RW Armenia oo diiday inuu xilka iska casilo

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha wadanka Armenia Nikol Pashinyan ayaa iska diiday in uu xilka ka dago kadib markii dad badan ay ka caroodeen heshiis uu dhawaan lagalay dowladda Azerbaijan.

Ujeedka heshiiska ayaa ahaa sidii loo joojin lahaa colaada ay dadka badani ku dhinteen ee ka taagan gobolka Nagorno-Karabakh iyadoona hogaamiyaha Armenia uu sheegay in heshiis ay qaateen uu ahaa mid xanuun badan.

Heshiiska waxaa qayb ka ahaa in Azerbaijan ay sii heesato dhulka ay ku qabsatay dagaalka iyo in ciidamada Armenia ay iskaga baxaan aag balaaran oo ay heesteen 30’kii sano ee lasoo dhaafay.

Cadaadiska ugu wayn ee ladoonayo in uu isku casilo Ra’iisul Wasaare Nikol waxaa hor boodayo xisbiyada mucaaradka iyadoona lafilayo in arintan ay kulan deg deg ah ka yeeshaan baarlamaanka wadankaasi Armenia