RW Abiy Axmed ayaa maanta ka hadlay Baarlamaanka Itoobiya? Maxuu Sheegay?

Reading Time: < 1 minute

Qudbad socotay in ka badan saacad iy bar ayuu RW Abiy Axmed ka aqriyay maanta baarlamaanka Dalka Itoobiya. Qudbadaan oo inteeda badan uusan ka aqrin waraqad ayuu waxaa uu uga hadlay wax yaabo badan. Nuxurka ka quseeya Soomaaliya ayuu uga hadlay heshiiskii uu dhawaan la galay MW Farmaajo. Isaga oo ku faanaya in uu guul ka soo hooyay safarkiisii Soomaaliya isla markaana ku qanciyay madaxda Soomaaliya in ay wax la qaybsadaan dowlada Itoobiya. Waxa uu wax ka sheegay anfaca wayn ee ka imaan doono iskaashiga dhanka dakadaha ee labada dal.

Waxaa cajiib ah islamarkaana naxiib xumo ah in RW Itoobiya uu taladii kula noqday Baarlaamanka dalkiisa halka Baarlamaanka Soomaaliya uu noqday sidii xarun caruurta lagu xanaaneeyo. Waxba looma sheegto, talo lama galiyo go;aanda quseeya mustaqbalka dalka , markii dan laga leeyahay ayaa lacag laaluush ah loo qaybiyaa lagana saxiixdaa.